Shacabka Somaliland Oo La Yaabay Qodob Ku Jira War-Murtiyeedka Shirka London Oo Aan

0
574

 

 

HargeysaHargeysa(Geeska)-Waxa khamiistii magaalada London la soo gabagebeeyay shirkii laba maalmood laba guddi oo ka kala socotay Somaliland iyo Somaliya uga socday, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob oo kala duwan.

 

Qodobada war-murtiyeedka oo lagu saleeyay iskaashiga labada dhinac oo u badan dhinaca amniga, ayaa waxa ku jira qodobka siddeedaad ee u dambeeya oo ay dad badani u arkeen mid aan meelna ka khusayn Somaliland. Qodobkaasi wuxuu dhigayaa in loo baahanyahay in wakhtiga ku meelgaadhka ahi dhammaado. Waxase isweydiinta dadweynuhu tahay waxa qodobkaas ka khuseeya wada hadalada iyo gaar ahaan midhaha ay Somaliland ka filayso shirkaas, iyadoo la ogyahay in marka horeba Somaliland wada hadalada la furtay dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya oo ay ogtahay inay tahay ku meelgaadh ay wax ka yar laba bilood u hadheen. Qodobkani wuxuu muddooyinkii u dabmeeyayba ku soo noqnoqonayay hadal haynta arrimaha Somaliya oo ay dalal reer galbeedka u badan iyo Qaramada Midoobay doonayaan in Somaliya ay labaatan sanno ka dib ay yeelato dawlad rasmi ah oo ay ka baxdo maamulada ku meelgaadhka ah.

Si kastaba ha ahaate, waxa looga fadhiyaa ergada Somaliland inay umadda u fasiraan macnaha iyo ujeedada uu qodobkaasi daaranyahay, maadaama oo aanu xidhiidh muuqda la lahayn ajandayaasha wada hadalka.