Shacabka Somaliland Oo Ka Dhiidhiyay In La Iibiyo Maktabada Gaandi Ee Hargetysa

0
733

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa bulshada Somaliland ku dhex wareegayay war sheegaya in la iibiyay xarunta maktabada Gaandi ee Gandi public library, oo ah xarun akhris oo ay dadweynuhu ka faa’iidaystaan, kuna taala badhtamaha mgaalada Hargeysa.

Arrinta Iibka maktabadan oo aanay weli xukuumadda Somaliland ka hadal, ayaa waxa si weyn loogu hadal hayaa bar-kulanada Internet ee bulshada (Social media), iyadoo ay dadweynaha jecel arrimaha akhriska iyo horumarintoodu barahaooda ku daabaceen qoraalo ay kaga dhiidhiyayaan in la iibiyo xaruntaas oo ah xarunta keliya ee akhris ee ay magaalada Hargeysa leedahay, kuna taal goob istaraataji ah oo uu qof walba oo Hargeysa ku nooli soo gaadhi karo. Dhallinyaro iyo dadweyne kale oo waayeel ah oo isugu jira dad qurbaha jooga iyo kuwo wadanka jooga, ayaa waxay barahooda, gaar ahaan facebook ku daabaceen weedho loogu ololaynayo in la joojiyo iibka la hadal hayo ee xaruntaas hoyga u ah akhriska.  Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-mahdi) oo ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa ee jecel horumarka akhriska iyo qoraalka, ayaa ka mid ah dhallinyarada qoraalada culus ku qoray barahooda bulshada. Wuxuu yidhi  “Gaandi Public Library waxay qiimo ugu fadhidaa Qaranka Somaliland, waxay Qiimo ugu fadhidaa Bulshada dhamaan teed, waa Goob laga daalacdo, laga dheefsado, laga koradhsado Aqoon, Uma qalanto in Bakhaar iyo Ganacsi lagu badalo, waa Buqcad Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo Looga fadhiyo inay kobciso oo ayna leexin. Qaran ka Ceeb ayey ku tahay in Goob sidan oo kale ah loo faruuryo xidho wax aan qiimo ugu fadhiyin Qaran kan iyo Bulshadaba, Waxaanu adiga si gaar ah kaaga codsanaynaa aniga iyo wixii ila fikir ah oon ogahay inay badan yihiin inaad badbaadiso ?#‎Gaandi Public Library gacanna u fidiso.” Muwaadiniin kale oo badan ayaa iyaguna waxay barahooda soo dhigeen sawirka maktabada Gandi oo lagu xardhay qoraalo xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada lagaga dalbanayo in la joojiyo iibka xaruntaas. Waxaana lagu xardhay qoraalo ay ka mid yihiin “Wasaaradda waxbarashadu ha joojiso iibka xarunta Gandi ee akhriska.”

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan bilowday dhismaha maktabada qaranka oo laga dhisayo magaalada Hargeysa, waxase dad badan oo reer Somaliland ah yaab iyo amakaag ku noqotoy in iyaodo la dhisayo maktabad qaran haddana hoos loogu noqdo iibinta maktabada keliya ee ay magaalada Hargeysa leedahay. Haddii ay sidaas ku hirgasho iibka la hadal hayo ee maktabada Gaandi waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku noqon doontaa bar madoow oo taariikhda u gasha inay noqotay xukuumadii u horaysay ee maktabad akhris iibisay.