Shacabka Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay In La Joojiyo Diyaaradda Ethiopia Iyo Jaadka

0
567

Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland ayaa dareen isku mid ah oo walaac ah ka qaba duulimaadka diyaaradda Ethiopia ay maalintii laba jeer ku timaado magaalada Hargeysa, iyadoo ay dalalka gobalka iyo duniduba joojiyeen duulimaadyada diyaaradaha si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona Virus.

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay in rakaabka diyaarada Ethiopia la socda lagu xareeyo hoteelada magaalada Hargeysa muddo 14 maalmood ah si loo karantiimeeyo.

Laakiin shacabka Somaliland ayaa si weyn uga walaacan duulimaadka diyaaradda ee la joojin waayay iyo weliba rakaabka la socda ee la dejiyo hoteelada magaalada. Rakaabka diyaaradda la socda laguma soo qaado baabuur gaar ah oo loogu tallo galay, waxase lagu qaadaa basaska dadweynaha iyadoo aanay wacyigelin badan qabin darawaliinta basaska iyo gacan yarayaashiisuba.

Rakaabka oo aan baadhis rasmi ah oo lagu ogaanayo inay qabaan xanuunkan lagu samayn marka laga reebo cabirka xumadooda, waxa hoteelada la dejiyay ka shaqeeya dadweyne tiro badan oo aan iyagu ka xanibnayn inay magaalada soo galaan.

Shacabka ayaa baraha bulshada waxay ku baahinayaan farriimo ay Madaxweyne Biixi ugu baaqayaan in la joojiyo duulimaadyada diyaaradda Ethiopia si shacabka looga badbaadiyo in diyaaradu si fudud u soo walwaasho xanuunkan dunida gilgilay oo fiditaankiisu xawaare sare ku socdo.

Waxa isna si xawli ah Somaliland si maalinle ah u soo gala jaadka oo badankiisu ka yimaada Itoobiya oo uu fiditaanka xanuunku hadda xawaare sare ku socdo.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda samaynin goobo u gaar ah oo loogu tallo galay in lagu daryeelo haddii uu gudaha Somaliland ku faafo xanuunkani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here