Coronavirus Oo Xusuusta Ku Soo celiyey Cilmibaadhis Hore U Sheegtay In 42% Dadka Yurub Aanay Faraxalan Suuliga Kaddib

0
636

Faafista Fayraska Koroona waxa ay adduunka gelisay xaalad degdeg ah oo aan tobannaan sano la arag. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa iyaduna soo saartay talooyin hanuunin ah oo dadka loogu sheegayo hababka ay uga hortegi karaan xanuunka. Kuwaas oo ay ugu horreyso in qofku uu faraha dhaqo si uu uga dheeraado khatarta ah in faruhu u soo qaadaan Fayraska.

Arrinta ah in faraha la dhaqaa waxa ay dad badan gelisay dareen la yaabitaan oo ay wax iska weydiinayaan in marka hore ay jireen dad aan nadaafadda farahooda ilaalin. waxaa soo baxday in ay jiraan dad badan oo marka hore dhayalsada faraxalka, ama ugu yaraan si qaldan u faraxasha. Tusaale ahaan waqtiga ay faraxalka wadayaan oo ah ilbidhiqsiyo kooban aanay wasakhdu ku dhammaanayn ama qofka oo biyo keliya isticmaalaya.

Dooda arrintan la  xidhiidha iyo hadalhayntoodu waxa ay xusuusta dad badan ku soo celiyeen cilmibaadhis natiijadeedu soo baxday sannadkii 2015 kii.

Cilmibaadhistan oo uu 2015 kii sameeyey Maxadka ‘Globe Institute’ ee xaruntiisu tahay dalka Maraykanka ayaa  muujisay boqolkiiba 42 dadka reer Yurub in aanay gacmahooda dhiqin marka ay xamaamka ka soo baxaan. waxaa iyaduna intaas dheer, inta badan ee dadka dalalka Yurubta galbeed oo aan iska nadiifinta xaajada u adeegsan biyo, balse ku kaaftoomaha in ay warqadda suuluga iskaga tirtiraan, waxaa iyaguna dhaqankaas la wadaaga inta badan ee dadka deggen Maraykanka iyo Kanada.

Rayi ururintaasi waxa ay waqtigaas sheegtay in dadka dalka Holland ay yihiin kuwa ugu badan ee aan biyaha iyo saabbuunta isku nadiifin. Sahamin lagu sameeyeyna waxa ay caddaysay in tiro ka badan boqolkiiba 50 dadka dalkaasi aanay biyo iyo saabbuun gacmahooda ku nadiifin marka ay xaajoodaan.

Dalka Talyaaniga oo manta ah dalka ugu badan adduunka oo dhan ee uu xanuunka COVID-19 ku faafay, ayaa ay waqtigaas daraasaddu sheegtay in boqolkiiba 42 dadkiisu aanay gacmaha biyo ku dhiqin marka ay suuliga ka soo baxaan.

Spain oo iyaduna noqonaysa dalka labaad ee uu Fayraska Karoona faraha baas ku hayo adduunka, ayaa sahamintii maxadka Globe ee 2015 kii lagu ogaaday in dadkiisu boqolkiiba 40 aanay biyo iyo saabbuun isku nadiifin marka ay xaajoodaan.

Ingiriiska iyo Jarmalka oo hadda xaaladdooda xanuunka Karoona Fayras ay aad uga ladan tahay dalalkaas hore, waxa ay daraasaddii 2015 ku caddaysay in dadkoodu ay boqolkiiba 75 oo Ingiriiska ah iyo boqolkiiba 78 oo Jarmalka ahi ay gacmahooda dhaqaan suuliga kaddib.

Marka aynu eegno dhinaca dalalka Yurub ee Muslimiintu ku badan tahay, waxaa muuqanaysa in heerka nadaafadda faruhu uu kor u soo kacayo, aadna uga sarreeyo dalalkaas hore. Tusaale ahaan dalka Boosniya oo inkasta oo aanu ku jirin Ururka Midowga Afrika, haddana dhaca qaaradda Yurub, ayaa ay rayi ururintu muujisay in dadkiisa oo boqolkiiba in ka badan 51muslimiin ahi, ay yihiin dadka reer Yurub kuwa ugu nadiifsan. Tirade dadka suuliga kaddib biyaha iyo saabbuunta farahoodak u nadiifiya ayaa ay sheegtay in ay tahay boqolkiiba 96. Halka dalka Kosovo oo dadkiisu in ka badan boqolkiiba 96 iyo badh ay muslimiin yihiin uu noqday dalka labaad ee dadkiisu ugu nadaafadda sarreeyaan qaaradda Yurub, kaddib markii la ogaaday in boqolkiiba 94 ay farahooda saabuun iyo biyo ku nadiifiyaan suuliga kaddib.

Kaalinta saddexaad ee heerka nadaafadda dadka Yurub waxaa galay dalka Turkiga, oo dadkiisu muslimiin yahay, waxaana daraasadda maxadka Globe lagu ogaaday in boqolkiiba 85 dadka dalkaasi ay farahooda biyo iyo sabbuun joogto ugu nadiifiyaan mar kasta oo ay suuliga ka soo baxaan.

Warbixinta daraasadaas soo baxday 2015 kii ayaa hoostak a xariiqday suurtagalnimada ah in weysado ay noqon karto sabab muhiim ah oo muwaadiniinta dalalka Boosniya, Kosofo iyo Turkiga ku dhiirrigelinaysa nadaafadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here