Shacabka Gobolada Bari Daayac Iyo Dawlad Xumo Ayey U Dhinteen Jaamac hilaac

0
1040

Waxa isa so taraysa xaalada murugada leh(turmoil situation ) ee laga so sheegayo Gobolada bariga Somaliland sida xanuunada shuban biyoodka,nafaqo

darada,gaajada,bara kaca iyo fakhriga,kuwas oo ay sababtay abaar saddex jir satey oo guud ahaan ku dhufatay dalka gar ahaan gobolada bariga Somaliland kuwaas oo udub dhexaad(center) u ahaa abaartan. Gobolada bariga Somaliland ayaa 40 ki sano mar waxaa ku dhufata abaar ba,aan taaso dhibaato u gaysata dadka ku nool deeganada .Gobolada bariga Somaliland aya ah dhul daaqsimeedyada ugu wanaagsan uguna balaadhan ee dalkan kuwas oo ay ku nool yihin xoolaha nool iyo bulshooyinka xoolo dhaqatada ugu badan dalka. Abaarta ku dhufatay gobollada bariga oo ahayid mid laba jibaar ka xoog  badan marka la bar bar dhigo abaarta dalka ka jirtey aya ila hada la aminsan yahay in ay galaafatay nolosha xoolo ka badan sagaal million(9000,000,000) oo neef oo adhi ah iyo todoba kun iyo lix boqol oo neef oo Geel ah,waxa kale oo ay abaartani bara kacisay(displaced) kumanaan qoys oo ku noola ila laba boqol oo tuulo(villages) kuwas oo qaybo ka mid ah abaartu ku khasabtay in ay u hayamaan degano ka mid ah maamuka puntland iyo gobolada awdal iyo Gabiley ee Somaliland,qoysaskan oo hada ay so food saartay  xalad adag oo beni aadanimo aya u bahan mucawino deg deg ah sida Hooy,cuno,dawo iyo in laga badbaadiyo roobabka guga ee hada curtay.Nusqaan ka dhalatay abaarahan aya la aminsan yahay in ay samayn ku yeelatay nolosha caruur ka badan kow iyo tobban kun(11000) oo da doodu ka yar tahay 5 jir kuwas oo u bahan in la badbaadiyo mustaq-balkooda beri.Xukumada Somaliland hayadaha qaramada midoobey iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeya nolosha dadka(UN & International livelly hood organazations) ayan ila hada shaacin tirada dadka u dhintay sababta abartan . Beesha caalamka oo ay ka mid yihin ururada la socda isbadelka cimilada dunida iyo sadaasha hawada(climate change and weather for casting organazations) aya saddex sanno ka hor sheegay in abaaro iyo roob yaraani ay ku so fool leedahay dalalka ka hooseya lama degaanka saharah(sub sahara countries) oo ay ku jiran dalalka Geeska Africa oo somaliland ka mid tahay hayadahan aya madaxda dalalkan ku booriyey in ay ka hor abaaraha la yimadan qorsho-yaal iyo aragtiyo(visions) si lo yareeyo khasaraha ka dhalan kara hadi roobabku yaradan ama la wayo.  Xukumada madaxweyne silaanyo oo dalka ka masuu ah ayaan ila hada aan la iman qorshe qaran oo hoos logu dhigi karo masiibada ka dhalatay abaaraha dalka ku dhuftay,marka laga reebo gudiyo kooban kuwas oo xukumada silaanyo magacawaday  goor xedho iyo fandhal kala dhaceen, Gudigan qaran oo logu magac daray gudiga taakulayinta abaaraha ayaan lahayn khibrad maamul  iyo waayo-aragnimo dawladeed sido kalana aan haysan siyaasad cad iyo qorshe dawladeed (disaster management polices) oo ay xukumadu dabada ka rixayso si loo yareyo dhibta ka dhalatay abaartan,taas oo muddo xileedki iyo masuuliyadi gudigan u horseeday fashil iyo in ay jawaab ka bixin kari wayen mashaqada ka dhalatay abaarta.

Xukumada Madaxweyne silaanyo iyo gudiga takulaynta abaraha oo ka faaideysanaya nidamka isla xisaab tanka oo aan dalka ka jirin ayaan ila hada aan bulshada u so ban dhigin nidaam xisabeed dawladeed oo lagu qanci karo kaas oo cadaynaya sida lo maamulay  mallaayin dollar oo lacag ah iyo mucawinoyin kale kuwaas oo qaybo bulshada ka mid ah aan weli gadhin.

Xukumada Madaxweyne silaanyo oo si buxda ugu fashilan-tay wajigi hore ee gurmadka abaaraha aya hadana bishi june 2017ka magacawday gudi kale oo ka kooban 25 xubnood kuwaas oo masuuliyadooda shaqo lagu sheegay Guddiga ka so kabashada abaaraha.

Guddigan aya u muuqda mid  ay xukumadu ku doonoyso in ay indhaha shacabka kaga jeediso xaalada adag e e syaasadeed iyo tan beni-adanimo ee dalka so food saartay,gudigan ka so kaba shada abaaraha  oo aan ila hada la iman istarajiyad  macno leh iyo qorshe dawladeed (National recovery strategy programme) si lo gar-gaaro dibna logu so celiyo nolosha shacabka ee aabaartu burburisey aya hadana dalbaday in ay hellaan qadhan lacageed oo ka badan 10,000,000 Milyan oo dollar,qadhankan oo u muqda mid lab la kac ah ayan ku salays-nayn darasado,cilmi badhis,maclumaad iyo qimayin dhab ah oo ka turjumaysa bahida dhabta ah ee k u xeeran sida lo wajahayo xaalada adage e beni-aadanimo ee ka dhalatay abaarta kulmisa.

Magacabista gudiga ka so kabashada abaarahu waxay ku soo beegmaysa

 1. xili xukumada M.silaanyo ay meesha ka saartay masuliyadi shaqo ee ay qaranka u hayeen wasaaradaha ka shaqeeya nolosha dadka (Government livelly hood institutions) sida w/Beeraha,w/xananada xoolaha,w/kallumaysiga iyo xaffiska NERAD oo qaranka u qabilsan ka hortaga masiboyinka dabiciga ah kuna bedeshay gudiyaal dadweyne kuwas oo aan karti u lahayn dejinta qorshayaal qaran oo lagu badbaadin karo dadka ay abaaruhu saameyen taas oo khatar ku ah nolosha kumanaan qoys oo tabaalaysan.

2. xili aanu dalka ka jirin xafiis dhexe oo isu duwa arimaha gargaarka (centeral humanitarian co-ordination office) oo dawladu leedahay kaas oo haya xogo (informations) iyo maclumad kale oo lo adegsan karo arimaha gargaarka iyo dib u so kabashada.

3. xili laba kun (2000) oo qoys oo ku noola gobolada sanag iyo saraar  oo u hayaamay maamul goboleedka putland iyo gobolada awdal iyo gabiley ay u bahan yihin gar gar deg deg ah iyo in dib logu so celiyo degankoodi hore.

4.Xili si qaab daran loo maamulay taakulaynta gargaarka taaso keentay in bulshada dalka qaybo ka mida ah aanu gaadhin raashinku taasi keentay in gobolada qaarkood meelo ka mida lagu dhinto

5. xili 15 xero (concideration camps)laga furay qaybo ka mid ah gobolada bariga Somaliland kuwaaso ku jiraan tiro ku dhaw 4800 qoys kuwaas oo u baahan mucaawino deg deg ah iyo in mudo la quudiyo dibna loo soo celiyo noloshooda

6.xili aan laga warhayn xaalada ay ku sugan yihiin  kumaanan qoys oo ku nool dhulka buuralayda gubanka ah ee deeganada caal-cad iyo caal madow ee  u dhaxeeya gobolada saaxil iyo sanaag

7.xili aanu dalku lahayn bakhaarada lagu kaydiyo raashinka (warehouses) halka kuwii dawladu ay dad ganacsato ahi sifo sharci dara ah ku haystaan taaso keentay in mucaawinooyinka dalka lagu kaydiyo bakhaaro dad shacbi ah leeyihiin taaso mugdi galisay qaab xisaabeedka mucaawinooyinka

8.xili aan la hayn 6 baabur oo nooca land cruiser (Hard-top )oo ha,ayada WFP ugu deeqday  lix bilood horteed gurmada abaaraha kuwaas oo inta  numberaka laga furtay lana dhigay guryo ay leeyihin madax dawlada ka mid ah, sidoo kalena gaadid booyado ah oo loo iibayay gurmadka abaaraha aan ilaa hada  la garanayn meeshay ka diiwan gashan yihiin iyo gacanta ku haysa

9.xili uu dalka galay kala guur siyaasadeed (transitional period) taaso meesha ka saaraysa maalinba maalinta ka dambaysa  kalsoonida shacabku ku qabay xukuumada madaxweyne siilanyo

10.xili madaxda iyo masuuliyanta sare ee dawlada s.land ay  badi ka soo jeedaan gobolada bari kuwaaso magaalada hargeisa iyo meelo kaleba ka samaystay  guryo lagu raaxeysto iyo nolol wanaagsan watana gaadidka  ugu qaaalisan dalka sida Toyata land cruiser v8 , iyo Hard tops  iyo kuwa la mida etc  halka dadki ay matalayeen darxumo ugu dhimanayaan gobolada bari

land cruiser gado soo baro galay guuxisa mood

gob inaad ku tahay geeska afrika

waa maan guracan iyo garasho jaan’”cabdi m.aamin”

gabo gabo

xukuumada Somaliland iyo gudiyaasha dadweynaha waxaa la gudboon in la yimaadan siyaasad cad  iyo qorshayaal qaran  oo wax lagaga qaban karo xaalada murugada ee baniaadmino ee dalka soo foodsaartay iyo inay la yimaadan nidaam ku dhisan isla xisaabtan dawladeed si beesha caalamka iyo shacabka Somaliland u caawiyaan dadkooda tabaalaysan