Shacab Reer Guuraa Ah Iyo Ciidamada Banka Wajaale Oo Isugu Dhacay Daaqa Banka Ka Baxa

0
875

Wajaale(Geeska)-Ciidamada isugu jira booliska iyo milatariga ee jooga banka Wajaale iyo dad reer guuraa ah ayaa isku dhacay kadib markii sida ay sheegeen ciidaamadu ay wadiiyeen inay dhaqaale ku bixiyaan daaqa banka Wajaale ee dawlada.

Dadkan ayaa mudaharaad kaga horyimi ciidamada sida uu baahiyay tilifishanka Eryal, waxaanay xukuumada iyo madaxeynaha ugu baaqeen inay soo kala gaadhaan iyaga iyo ciidamada, dadkaayaa sheegay inay abaar ka soo guureen oo aanay deeganadoodii wax roobab ah helin.

Oday ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “ Waxa na waday waa abaar halkan waligay maanaan iman halka ay isku laynayaan Gari iyo jaarso ayaay xoolahayagii ku maqan yihiin, neefafkii adhiga ahaana halkaas ayaanu keenay, dawladiina waatii na gashay oo raqdayadii waataas taala ,waxay nagu laynayaa waa faras gaadhi iyo xoog, waxay nagu laynaysaana waa jaad dawladu waa ay na iibsatay oo waxay na siisatay jaad. Muuse Biixi iyo dadweynaha waxaanu ka cosanaynaa inay na soo kala gaadhaan nimankaas. annaguna meel alle iyo meel aanu tagno ma hayno”

sida oo kale oday waayeel ah oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi

“ Maanta waxa keentay abaar meel walba waa ay ka yimaadeen bari iyo galbeedaba, markaas ragan dhargay hanalaga soo gaadho dhan walba waa ay gaadhi noo mariyeen odaygaas jiifa way jiidhsiiyeen inta kalena waa ay wada dhaawaceen.”                                                                                                                                                                                                                                               Sida oo kale mid ka mid aha hooyooyinka reer guuraaga ahaa ee ay ciidamada isku dhaceen waxay halkaas ka tidhi  “ Hanaga soo gaadhaan cuqaasha iyo madaxweynaha meel aanu dib ugu noqonaana ma jirto ragayagii iyo lodiina waxay tageen gari iyo jaarso intaas nala joogtaana qaylo dhaanta ayay ku timi.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here