Shacab Kala Dareenii Dawladnimo Ma Deeqdaa

22
3320

W/qoray Axmedyaasiin sh cumar sh axmed Furre

Shacab kala dareenii oo cilmi nafsi la noolyahay dawladnimo ma deeqdaa……Dee waa Maya “Dareenkan maxaa xoojiya” Bal adba (Identity crisis,lack of confidence, psychological disorder,)  Ummad garawshuhu ceeb ku yahay khaladkana la isku sheegin waxay dhaxlaan  nolol cidhiidhi ah oo leh mid caam ah iyo mid khaas ahba waxay xanbaaraan nolol cabasho iyo gocosho leh oo hantida kaliya ee ay haystaan ay tahay Xiqdi Xaasid Xikmad laaan iyo go-doon.

Aroortii cadceedu markay soo baxdo nololbaad la kawsataa sidii caadada inoo ahaydbaa lakala fooftagaa ninba meeshii alle uga qoray, balse hoos u eeg damiirku waxbuu qoonsadaa qofku waa iska daldalanyahay oo meel uu usocdo iyo meel uu ka socdo waa iskaga dhex yaaceen waayo qadarka ilaahay mooyee wuxuu sugaa waa Qabb! Shaqooyinkuna intooda badan naxdintaa ku badan oo qof bahdii laga saaray weeyaan amar it’s ciqaab

“Ma dhamaysay,waayo,car, iyo kir,” bulshadu waa isu dhaqan maamulaha iyo shaqaaluhuba waa cago juglayn naxariis ma taal, gumaysibay ku noolyihiin meelaha qaar salaadaha waa lagaa horjoogsan karaa” waa ummad sii dhaadhacaysa OK Sumatra” ku darsoo xalay qorshe lamuu hoyan saakana yaabbuu la kacay intaa waxa u dheer Doorashadan Imtixaanka badan ee  guntiimaha qarsoon lagu maamulo,Dadku waa iska dhego xidhanyahay tilmaanbay wax ku qaataan (Far ku fiiq) “xalay hebel wuxuu soo qoray waa la yaabay wuu ina caayay” Kkkkk isagoo yaabanaa ayuu intaa sida taxliisha u liqaa dee horeba wuxuu ahaa nin aan qorshe lahayne sheekadaasba qorshaha koowaad u noqota baadhid,dabagal,iyo xanuun badan buu halkaa ka dhaxlaa. Taariikhdaa qoraysa maragna kaaga noqon ee wax ka barro duruufaha duul duul ka dheg ha udhigin daacadii iyo wanaagii waa laga dul guuroo isku dira iyo kala dira daanwalba ku hor biqlaysa….. Shacab kala didsani dawladnimo ma deeqdaa……

Dee waa Maya qof sinadiif ah fikiraya sidee loohelayaa hadii uu barbaarintiisu cuqdad iyo xiqdi ku garaadsaday kuna koray …boogahaa badan

Shacab kala dareenii dawladnimo ma deeqdaa

W/qoray Ahmedyasin sh cumar sh ahmed Furre

00252634220216

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here