Senator Ted Cruz: Cadhada Shiinuhu Waa Sabab Kale Oo Ay Tahay In Trump Ku Aqoonsado Somaliland

0
12

Senator Ted Cruz, oo ka jawaabay cadhada Shiinuhu kaga falceliyey waraaqdii uu u diray Trump ee uu kaga codsaday in uu Somaliland aqoonsado, ayaa sheegay in cadhada Shiinuhu ay tahay sabab muhiim ah oo Trump ku aqoonsado Somaliland.
Senatorka oo ka hadlay qoraalka ay  baahisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in cadhada Shiinuhu kaga jawaabay arrinta aqoonsiga Somaliland ay tahay sabab kale oo Washington ku dhiirrigelinaysa inay aqoonsato Somaliland.
“Xaqiiqda ah in Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinuhu sidan uga cadhoodo, waa sabab kale oo ay tahay in Trump aqoonsado Somaliland,” ayuu yidhi Senator Cruz oo si toos ah uga jawaabay qoraalka Shiinuhu ku diiday aqoonsiga Somaliland.

Dowladda Shiinaha ayaa codsiga uu Cruz u diray Trump ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya.

Shiinuhu wuxuu kasoo horjeedaa in Taiwan iyo Somaliland noqdaan dalal caalami ahaan la aqoonsan yahay.
Cruz, oo ah madaxa guddi-hoosaadka arrimaha Afrika u qaabilsan Golaha Senatka Maraykanka, ayaa toddobaadkan si weyn u soo jiitay warbaahinta caalamka kadib markii uu qoraal rasmi ah u diray Madaxweyne Trump, kuna codsaday in Somaliland loo aqoonsado waddan madax-bannaan.
saga oo sheegay in Somaliland cadaadis kala kulmayso Shiinaha sababtoo ah xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, isla markaana ay u baahan tahay taageero iyo in cadowgeeda laga celiyo.
Somaliland oo ka jawaabtay hadalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay kooxaha argagixisada ah u adeegsato cadaadis diblumaasiyadeed, isla markaana markasta oo Maraykanka iyo Itoobiya isku dayaan inay xidhiidh la sameeyaan Somaliland ay ku marmarsiyooto “Al Shabaab ayaa la kicinayaa.”
Aqoonsiga Somaliland ayaa hadda taageero xoog leh ka helaya gudaha Maraykanka, waxaana la filayaa in dhawaan Madaxweyne Cirro safar ku tago Washington si uu u dardargeliyo dadaallada aqoonsi raadin