Selel Iyo Berbera Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ay Roobabku U Geysteen

0
715

Salyac (Geeska) – Roobabkii saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ka da’ayey gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa shalay aan di’in, waxaana meelihii roobabkaasi ku badnaayeen laga sameynayaan diwaangalinta khasaarihii ay geysteen.

Roobabkan oo aad ugu badnaa Magaalo xeebeedda Berbera, ayaa sahayda nolosha laba qof isla-markaana baro-kiciyey ilaa shan boqol oo qoys, halka daadadkii roobabkaasi ka dhashay ay dumiyeen ilaa 50 guri, sida uu laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA u sheegay Maayarka Magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamuud Ciddin.

Sidoo kale, Maayarka Berbera, ayaa warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in roobabkaasi dhaawac soo gaadhsiiyeen ilaa lix qof, isaga oo sidoo kalena sheegay in qoysaska roobabkaasi baro-kiciyeen lagu quudinayo iskuulka Burside ee Magaalada Berbera “

“Waxa dhaawac sahlan soo gaadhay 6-qof, dadna way barakaceen waxaana loo daad-gureeyay Iskuulka Bursade oo lagu quudinayo”ayuu yidhi Maayarka Berbera.

Dhanka kale, badhasaabka Gobolka Selel oo xalay Geeska Afrika khadka Telefoonka ku waydiiyay inuu faahfaahiyo khasaaraha roobabku ka keeneen dadka gobolka Sele, ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Xariirad sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo sidaa u badan, marka laga reebo odey waayeel ah oo daad qaaday iyo haweenay uu la dumay suuli “Wax khasaare waxaanu haynaa deegaanka Garbo-dadar,odey daadku qaaday iyo haweenay Kiniif (Suuli) la dumay, gabadhuna imika way fiican tahay”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Badhasaabka Selel in Magaalada Saylac aanay roobabkaasi wax dhibaato ah ka geysan, marka laga reebo biyo xad-dhaaf ah oo Magaalada dhex jiifa.

Sidoo kale, Roobabkan oo khasaaraha ay geysteen intaasi ka badan yahay isla-markaana hore Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde u sheegay in laba qof ay ugu dileen deegaanada Galbeedka dalka iyo Oodweyne, ayaa wararka ka soo baxaya khasaaraha roobabkaasi sheegayaan in deegaanada Waqooyiga ah ka xiga Magaalada Hargeysa ay dhibaato ka geysteen daadadka ka dhashay roobabkaasi, waxaana lagu soo waramayaa inay xoolo badan la tageen daadadkaasi, inkasta oo la xaqiijin Karin.