Seefta Madaxweyne Ciro Oo Galafatay 4 Badhisaab Kuwo Cusubna Magacaabay Iyo Boorama Oo Loo Magacaabay Nin Wayn

0
274

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay 7 mas’uul oo uu u igmaday xilal badhasaab oo cusub, isla markaana uu xilalkii kaga qaaday 4 mas’uul oo hore u hayay xilal heer gobol iyo hay’ado.

Isku-shaandhayntan oo ah tii ugu muhiimsanayd ee uu Madaxweyne Cirro sameeyo, ayaa waxa kasoo muuqday 7 masuul, oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo loo magacaabay Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay

  • Cabdirashiid Xasan Mataan – Guddoomiyaha Gobolka Awdal
    • Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) – Guddoomiyaha Gobolka Saaxil
    • Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
    • Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) – Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh
    • Cabdi Siciid Faahiye Allaale – Xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare
    • Prof. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) – Guddoomiyaha Gobolka Salal
    • Cabdiraxiin Maxamed Axmed – Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday

  • Muxumad Xasan Jaamac (Xoday): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal
    • Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil
    • Axmed Cabdi Muuse: Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag
    • Haybe Cismaan Muuse: Xubin hore oo ka tirsanaa Guddida Tacliinta Sare

Haddaba, masuuliyiinta xilka laga qaaday waxa ugu mudnaa Guddoomiyihii Gobolka Awdal, oo xilka qaadistiisu sababteedu tahay Qalalaasaha ka dhacay Boorma.

Gobolka Awdal oo ahayd goob si weyn isha loogu hayey cidda uu madaxweynuhu u xulan doono waxa loo magacaabay siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah Badhasaabka ugu saamaynta badan dhammaanba Badhaasabada maanta la magaacay marka loo eego xilliga kuu ku soo beegmay.

Gudoomiye Cabdirashiid Xasan Mataan  Waxa uu mar soo noqday musharrax ku-xigeenkii madaxweyne ee Xisbiga Ucid xilligaas oo ay isku xigeen Jamaal Cali Xuseen inkasta oo markii dambe labadooba uu meesha ka saaray Eng Faysal Cali Waraabe.

Waa siyaasi ka soo jeeda isla gobolka Awdal muddo dheerna qayb ka ahaa dawlad dhiska Somaliland, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay siyaasi bulshada ku xidhan maaddama Magacaabistiisa waxay ay ka dhigan tahay in madaxweyne Cirro xushay qof la xisbi ah kana soo jeedo gobolka loo magacaabay ee Awdal,.