Scotland Oo Mar Kale Qabanaysa Afti Ay Kaga Goosanayso Ingiriiska

0
543

Xukuumada ismaamulka Scotland ee qeybta ka ah dalka UK ayaa todobaadka soo socda shaacin doonta diyaarinta Afti cusub oo loo qaadayo in dhulkaasi uu ka go’o wadanka UK.

1

Inta badan shacabka Scotland ayaa sanadkan kasoo horjeestay aftidii Ingiriiska uu kaga baxay Midowga Yurub, waxayna shacabka Scotland weli taageero weyn u hayaan kamid ahaanshaha Midowga Yurub taasi oo ay ku xidhantay dhaqaalaha iyo ganacsigooda.

Bisha March  ee sanadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u bilowdo wadadalka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo UK oo looga hadlayo qaabka uu wadankaasi uga baxayo EU-da, Scotland ayaa dooneysa inay kaalin weyn ka ciyaarto gorgortaankaasi, haddii kalena ay isaga go’do wadanka UK.

Haweenayda hogaamisa Dowlada Scotland Nicola Strugeon ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay sii wado qorshahooda ay uga go’ayaan dalka UK, si ay u xafidaan danahooda u gaarka ah.

Scotland oo sanadkii 2014 qabatay aftidii ay uga go’ayeen UK ayaa waxaa xiligaasi ku guuleystay codka taageersanaa inay weli kasii mid ahaadaan UK oo helay 55% codka aftida, balse go’aankii sanadkan ee UK aftida loogu qaaday ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa markale soo nooleeyey hamiga Scotland ee ahaa inay isaga baxaan UK, maadaama inta badan shacabka Scotland ay taageersan yihiin EU-da.