Saylici Oo Ka Hadlay Khilaafka KULMIYE, Xidhiidhkooda Muuse Biixi Iyo Dib U Dhiga Shirweynaha Xisbiga

0
477

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa sheegay in dib loo dhigay shirweynihii xisbiga KULMIYE ee mudaysnaa 21 January, kaas oo uu khilaaf hadheeyay.

Md. Saylici oo shalay saxaafadda madaarka Hargeysa ugaga jawaabay laba su’aalood oo laga weydiiyay shirkaas KULMIYE iyo khilaafka jira, wuxuu yidhi, “Wax Khilaaf lagu sheegi karo oo ka jira Kulmiye ma Jiro, laakiin meel hawli taalo waxa la isku qabtaa tubta loo marayo hawsha, haddii aad maqasheen hoggaanku wuu ku kala qaybsan yahay arrimaha Xisbiga ma jirto,  laakiin tubta loo marayo iyo sida loo qabanayo shirweynaha iyo qaabka loo xulayo ergooyinka ayuun baa taladeeda laga wada hadlayey, laakiin wax khilaaf ah iyo arrin lagu kala tegayo ma jirto.”

Md. Saylici, oo la su’aalay waxyaabihii ay Madaxweynaha kala hadleen garab uu horkacayo oo KULMIYE ka tirsani wuxuu yidhi “Annagu waxaanu ka wada hadalnay in qaabkii xisbigu u qabsan lahaa shirweynihiisa iyo in qaab loo wada dhan yahay u qabsoomo, taas ayuun baanu kala hadalnay  Madaxweynaha, laakiin  dib u dhigida shirweynuhu waxay ku timid duruufo ku yimid Madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibadda”

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland oo la waydiiyay sida ay isku yihiin Guddoomiyaha Kulmiye Md. Muuse Biixi, wuxuu yidhi  “Waxaanu nahay laba nin oo saaxiibo ah, laba nin oo walaalo ah ayaanu nahay, laba nin oo isku xisbi ah ayaanu nahay, laba nin oo halgan badan soo wadda maray ayaanu nahay, wax dhibaato ah oo na dhex yaala ma jirto”ayuu yidhi.