Hargeysa(Geeska)-Saxafi reer Somaliland ah oo uu magaciisu yahay Cabdi Bidhaan Daahir oo ah saxafi iyo sawir qaade madaxbanaan, degena wadanka Ingiriiska, ayaa safar uu dhawaan ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuu warbixin shilis ka diyaariyay tahriibka dhallinyarada iyo halista dhimasho ee ku gedaaman.
Weriye Cabdi Bidhaan Daahir, warbixinta uu diyaariyay waxa habeen hore laga sii daayay telefishanka caalamiga ah ee euronews, waxaana lagu sii daayay luuqadda Ingiriisida. Warbixinta oo wadata maqal iyo muuqaalo badan, waxa uu weriyuhu diiradda ku saarayaa sababta koowaad ee keenta in dhallinyaradu ay wadankooda ka tahriibaan, taas oo ah shaqo la’aanta baahsan ee wadanka ka jirta. Waxaanu weriyuhu tilmaamayaa in haddii ay Somaliland reer Yurub ka heli lahayd aqoonsi iyo maalgashi ay dawladda Somaliland ku filnaan lahayd inay dhalinyarada wadankooda ku daryeesho.
Haddaba, warbixintaas xiisaha badan oo uu Geeska Afrika idiin soo turjumay waxa lagu bilaabay sidan
“Sannad kasta kumanaan muhaajiriin ah oo ka taga Afrika, ayaa halis ku geliya naftooda isku day ay ku doonayaan inay kaga gudbaan badda Mediterraranean si ay u gaadhaan qaaradda Yurub.
Somaliland inkastoo gobalku uu ka badbaaday colaadda iyo xanuunka qaska ah ee ka jira jaarkooda Somaliya, haddana dhallinyaro badan ayay ka go’antahay inay ka baxaan oo ay nolol cusub meel kale ka raadsadaan. Sababta ugu weyn ee ay uga baxayaana waa shaqo la’aanta dhallinyarada oo ku dhow 80%.
Mr. Waraabe, oo ah 52 jir ka shaqaysta sayladda xoolaha ee Hargeysa, ayaa wiilkiisii Jiijiile wuxuu dhintay 2013 ka dib markii uu isku dayay halista uu kaga gudbaayay biyaha Liibiya ee doonayay inuu ku tago Talyaaniga. “Wiilkaygu wuxuu doonayay inuu noloshiisa horumariyo oo uu mustaqbalkiisa dhiso. Dad badan ayaa ka soo xoogsaday lacag Yurub qaar badan oo saaxiibadii ka mid ahina halkaas ayaabay joogaan.” Ayuu yidhi Waraabe.
Qoysku waxay u iibiyeen dhul baloogyo ah oo badan si ay u Mr. Jiijiile ugu tahriibiyaan Talyaaniga. Waraabe wuxuu sheegay in wiilkiisii 21 jirka ahaa uu rajo weyn ku qabay kuna farxasnaa safarkaas, islamarkaana aanu ka baqanayn halista qisooyinka afduub, ku shaqaysasho iyo maraakiibta soo caaryaysay ee xumaaday.
Dhawr bilood ka dib markii uu wiilkiisii tagay, wuxuu Waraabe Telefoon ka helay Liibiya loogu sheegayo in wiilkiisii ay baddu liqday, waxaanu sheegay inaanu ka warami karin qisadaas xanuunka badan.
Dad lagu qiyaasay 3,200 oo muhaajir ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan biyaha Medtierranean sannadkan, sida ay sheegtay IOM. Tirada guud ee saxda ah weligeed lama xaqiijin doono, waxaana la la’yahay maydad badan.
Sureer waxay iibisaa qaadka oo ay nolosheeda ku dabarto. Waxay ka niyad jabsantahay in gabadheeda la la’yahay. “Ma garanayo meel aan ku sheego hadda. Hooyo ahaan waan warwarsananahay. Waan ka fikiraa nolosheeda maailn walba.” Ayay tidhi surer oo la hadlaysay Euronews, waxaanay kor u haysay sawirka gabadheeda ay la’dahay.
Fislan oo ah 18 jir waxay Somaliland ka tagtay sannad ka hor, ka dib markii ay qoyskeedu u iibiyeen dahab asxaabtoodana uga amaahdeen lacag ay si ay ugu dabaraan safarkeeda. Filsan waxay u socdaashay Itoobiya oo ay uga sii gudubtay Sudan iyadoo gaadhay Liibiya, oo ay rajaynaysay inay uga gudubto Yurub. Halkaas ayaana qoyskeeda ugu war dambaysay.
Sureer waxa loo sheegay in laga yaabo in Talyaaniga loo tahriibiyay inanteedii, laakiin ma jiro wax telefoon ah amba xidhiidh ah, kamana hayso wax war ah halka ay ku dambaysay.
Waxay sharaxday sababta ay gabadheedu u go’anasatay inay wadankeeda ka tagto, “Waxay doonaysay inay Yurub tagto, nolosha adag ee ka jirta halkan darteed. Waxa ay dhibaato ka haysatay guur loo diyaariyay, waxaanay doonaysay inay nolosheeda horumariso.” Ayay tidhi hooyadani.
Waxa lagu qiyaasay tobanaan kun oo ajaanib ahi inay ku cadilanyihiin Liibiya, oo ah jidka ugu weyn ee Yurub ay u maraan.
Hay’adda UNCHR ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay badbaadada dadkan, iyagoo laga shakinsayahay in lagu shaqaysto, la afduubo, lana jidh dilo inta ay sugayaan tahriibiyayaal doonida saara.
Hargeysa aynu ku noqonee, Jiijiile saaxiibadii waxay la legdamayaan warka geeridiisa, waxaanay ku dedaalayaan inay ogaadaan sababaha dhimashadiisa, waxay sheegeen in saaxiibkood ahaa bulshaawi aad u kaftan badnaa. “Qof weliba wuu ku riyoonayaa inuu Turub tago, laakiin ma doonayno inaanu khatartaas u badheedhno.” Mid ka mid ah saaxiibadii ayaa yidhi.
Warka geeridiisa Jiijiile, waxay bedeshay sida ay saaxiibadii u arkayeen inay isku dayaan safarka halista badan ee Yurub. “Qof weliba wuu ku riyoonayaa inuu Yurub gaadho.” Mid ka mid ah saaxiibadii ayaa yidhi oo raaciyay, “Waanu jeclaan lahayn inaanu halkaas joogno, laakiin ma doonayno inaanu khatartaas isku qaadno.”
Dawladda Somaliland waxay sheegtay inay ka go’antahay hoos u dhiggista shaqo la’aanta dhallinyarada si ay joojiso dhallinyarada wadanka ka sii qulqulaysa.
Somaliland si rasmi ah looma aqoonsana, inkastoo labaatankii sannadood ee u dambeeyay ay qabatay doroashooyin xor ah, oo ay aasaastay dawlad shaqaynaysa oo lacag u gaar ah leh, marka la barbar dhigo jaarkooda Somaliya.
Masuliyiinta Somaliland waxay sheegaan haddii ay ictirifaac, ganacsi iyo maalgashi ka helaan Yurub inay awoodi karaan inay dhallinyarooda ku ilaaliyaan wadankooda halkii ay khatar naftooda kaga gelin lahaayeen inay gaadhaan Yurub.”