Dhallinyarada Reer Hargeysa Oo Taageertay Murashaxnimada Maxamed Khadar Daahir

0
829

Picture1Hargeysa(Geeska)-Musharaxa Maxamed Khadar Daahir, oo isagu hore u shaaciyey Musharaxnimadiisa Golaha Wakiilada, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay Xisbiga uu sida rasmiga ah iskaga sharaxay, 

Munaasibada Musharaxan oo si weyn loo soo agaasimay, oo Xalay lagu qabtay Dalxiis Hotel ayaa waxa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Odayaal, Wax-garad, Dhalinyaro iskugu jirta Hablo iyo Inamo iyo Dadweyne aad u tiro badan oo Musharaxan taageersan, kuwaas oo ah dhallinyarada Hargeysa.

Xoghaynta Xafladan Musharaxa Iid Daa’uud Cige oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa ka waramay muhiimada loo qabtay xafladan waxaanu yidhi “Tacab fara badan ayaa ka galay Dhalinyarada Beesha, waxayna hore Dhalinyaradani iskugu timid kulan, ay kaga tashanayso danaha Beesha, markaas Odayaashayda iyo Waalidkayga meesha ay mareen ayaanu marayna oo ah in aanu soo saarno Musharax Maxamed Khadar Daahir, waxaanu sidoo kale Dhalinyarada ku boorinaya inay Diiwaangelinta qaataan”

Hodan Muuse Cali, oo iyana ka mid ah Garabka Dhalinyarada ee Beesha Gaashan Buur ee Musharaxu ka sharaxan yahay, waxayna tidhi “Horta wey wanaagsan tahay in la is barto, mar walba waa la inagu guura, oo Odayaal ayaa inoo yimaada, markaas inaynu wax noqono oo aynu wax doorano inagana la ina doortu ayaa muhiim ah, markaas in Maxamed Khadar Daahir oo ah Nin Dhalinyaro ah, ee waa inaynu Maxamed soo saarna oo aynu Diiwaangelinta soo qaadana, Beel ahaana waxa la inagu xantaa Beel is jecel, ee aynu codka ku soo saarno”.

Cabdifataax Xasan Mooge, oo isna ka mid ah Dhalinyarada taageersan Musharaxa, oo ku hadlayey Magaca Degmada Maxamuud Haybe ayaa yidhi “Maxamed Khadar Daahir Mooge, waa Nin Dhalinyaro ah oo Waddo inoo jeexay, muhiimada loo qabtay Xafladana ayaa ah sidii aynu u taageeri lahayn Musharaxa Maxamed Khadar, markaas inaynu isku xidhnaano, oo aynu wax wada qabsano ayaa wanaagsan, Dhalinyarada ku nool Degmada Maxamuud Haybe, waa Degmo balaadhan”.

Mukhtaar Maxamed Diir qadhaadh, oo isna ka socday Degmada Axmed Dhagax, oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Dhalinyaro ahaan inaynu Xafladan iskugu nimid waa sidii aynu u taageeri lahayn Maxamed Khadar Daahir, waxaana ILLAAHAY SWT uga rajaynaynaa inuu ku guulaysto, waxaana garanaynay madaama uu Maxamed Khadar uu yahay Nin Dhalinyaro ah in aanu dadaal dheeraad ah u sameeyno sidii uu u soo bixi lahaa, uguna guulaysan lahaa Golaha Wakiilada, waxaana doonaynaa in inteenan halkan iskugu nimid inaynu isku xidhnaano oo aynu soo saarno Musharaxan”.

Maxamed Ibraahim Jaamac, oo ka socday Degmada Gacan Libaax, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Isku xidhnaanta Dhalinyarada waa mid loo baahan yahay, soo qaadashada Diiwaangelinta waa sidii aynu ugu hiilin lahayn Maxamed Khadar Daahir, soo qaadasho la’aantuna  waa u hiilin la’aantiisa”.

Maxamed Cali Xaashi,  oo ka socday degmada Maxamed Mooge,ayaa yidhi “Waxaanu Degmada Maxamed Mooge ka sameeynay isku xidh dhinaca Dhalinyarada oo aanu wacyigelin balaadhan oo ah sidii aynu ugu codeyn lahayn oo aanu u soo saari lahayn u sameeynay Maxamed Khadar Daahir”.

Xoghayaha Guddida Beesha Gaashan-buureed Cabdinaasir       oo isna halkaas ka hadlay ayaa Dhalinyaradii Munaasibadaas ka soo qeyb gashay dardaaran iyo dhiirigelin ku saabsan sidii ay ugu codeyn lahaayeen Musharaxa Maxamed Khadar Daahir u soo jeediyey, waxaanu yidhi “Inaad isku xidhnaato, oo codkaagu wax taro waxa muuniya cida aad soo saarayso, laba qorshe ayaa inoo yaala, kuwaas oo kala ah, Kaadhadhka Goobaheena yaala in la qaato, in Xaafad walba la gaadhsiiyo, oo aynu si adag ugu hawlgalno, ta labaadna waa inaynu isku xidhnaano hablo iyo inamaba, oo aynu wada tashano, haddii aynu isku xidhnaana marxalado kala duwan ayeynu ka gudbaynaa”.

Khadar Cabdi Wayd, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi “Aniga sharaf weyn ayey ii tahay in aan halkan ku arko Dhalinyaro aad u badan oo reer Gaashaan-buureed, aniga oo aad ugu hambaliyeynaya Dhalinyarada, in aynu isku nimaadno, maaha wax iska yimid, ee waa wax laga soo shaqeeyey, in Maxamed Khadar Daahirna inuu iska soo sharaxo wax iska yimid maaha ee waa laga soo shaqeeyey,waxaana nahay Ardaaga qudha ee leh Musharax, waxaynu u baahaynay dadaal, Musharaxa qudha  ee aynu leenahay Maanta waa Maxamed Khadar Daahir”. 

Raxma Maydal oo iyana Munaasibadaas ka hadashay, ayaa waxa ay tidhi “Waxaan idin leeyahay qiime qofkaaga qiimaha leh, sida aad qiimo u yeelato, markaas Maxamed Khadar Daahir waa Nin Dhalinyaro ah oo qiime leh, ee aynu ku dadaalno inaynu soo saarno”.

Maxamed Shabeel oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad ugu faraxsan ahay  Dhalinyarada  aqoonta leh ee halkan joogta, Musharaxnimada Maxamed Khadar iyo soo saaristiisu waa guul iyo waxa aynu ku taamayno, Dhalinyarada iyo Odayaashuna wey isku waafaqeen Musharaxnimadiisa, waa in aynu ku dadaalna oo aynu ku taamaynaa inaynu soo saarno, waana inaynu dadaalkeena kordhinaa, Musharax Maxamed Khadar isaga oo qudha muu ahayn Inanka qudha ee reerka ah ee isa soo sharaxa, balse isaga ayaa la isku raacaya oo Guddida reerka loo gudbiyey”.

Eng: Colaad Shugri Ciise, oo isna ah halkaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay Munaasibadaas, waxaanu ugu baaqay inay codkooda ugu hiiliyaan Musharaxa Maxamed Khadar Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Fursad aynu halkan iskugu nimid waa Musharaxnimada Maxamed Khadar Daahir, Musharaxnimadani waa mid ka adag tii hore, markaas in mar walba la is dardar galiyo, la is toosiyo oo shirara la iskugu yimaado waa mid aad muhiim ah,Kursigani waxa uu yaala meel aad u adag, oo ilaa Salaxlay, Gabiley, Hawd, Dacar-budhuq ilaa Jabuuti agteeda, waxa lagu tartamaya waa 20-xubnood, waxayna ku xidhnaaysa inaynu soo saarno Maxamed Khadar oo ah Aqoonyahan iyo Nin Dhalinyaro ah oo karti leh, waa inaynu dadaal u muujinaa, oo aynu cid walba ka dhaadhicinaa, waxaana haboon inaynu dadka ka dhaadhicino Maxamed Khadar inuu yahay Aqoonyahan, waxaana haboon in la is guubaabayo oo Miyi iyo Magaalaba looga codeeyo”.

Musharaxa Maxamed Khadar Daahir oo isagu ka hadlay Munaasibadan, ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay Munaasibadaas, taageeradana u muujiyey,  ayaa waxa uu ka war bixiyey sababta dhabta ah ee uu iskugu soo sharaxay Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in haddii uu ku guulaysto Doorashada Golaha Wakiilada ee la filayo inay Sannadka dambe dhacdo, inuu Bulshada kale duwan ee Somaliland uu daacadnimo ugu shaqayn doono, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxa aan doonaya in aan Maanta ka hadlo ama aan sheego in aan dadkii iga horeeyey in aan laba arimood aan dheerahay, ta kowaad maan arag Musharax loo qabtay Xaflad taageero loogu muujinayo sidan oo kale, ta labaadna laba qeybood ayaan u qeybsanaan jirnay oo laba Musharax ayeynu isku barbar yaaci jirnay, Maantana hal Musharax oo keliya ayeynu isku raacnay, qofka intaas isku helaana inuu si fiican u seexanayo haddii aanu guulaysanba ayaa hubaal ah, intaad I soo dhaweeysana Hablo iyo Inama waad ku mahadsan tihiin