Hargeysa(Geeska)-Warbaahinta Somaliland ee kala duwan ayaa shir ay shalay iskugu yimaadeen waxa ay kaga arrinsadeen shirkadda Telesom, waxaanay kulankoodaas ka soo saareen war-murtiyeed.
War-murtiyeedka oo ay saxeexeen dhammaan Telefishankada, wargeysyada iyo mareegaha Internerka qaar ka mid ah ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Ujeedada kullanku waxaa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada Telesom ku hayso warbaahinta. Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.
Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.
Go’aamaddan.
1. In Warbaahintu cadayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.
2. In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.
3. In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawlaga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo talaabooyinka lagaga gaashaamanayo.
4. Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.”