Paris (Geeska)- In kasta dadka oo la sawiro ama derbiyada dhagaxa ah ee godadka lagu xardhaa ay tahay dhaqan guun ah, oo muddo kumannaan sano ah ka hor dhaqanka bani’aadamka ka mid ahaa, sawirkii nooca aaladdu qaaddo ee Footogaraafka loo yaqaanno ahaa ee ugu horreeyey waxa uu ahaa sannadkii 1838-kii, waxa aana sawirkaas laga qaaday qof oo ku noolaa Faransiiska. Sawirkani waa laba nin. Waxa ay joogeen magaalada Paris gaar ahaan deegaanka Boulevard du Temple ee magaaladaas ka midka ah. Waxaa yaab leh in sawirka laga arkayo labada nin oo midkood uu nadiifinayo kabaha ka kale xidhan yahay.
Sawirkan waxaa qaaday sawirqaade hal-abuur ahaa oo lagu magacaabi jiray Louis Daguerre, waxa uu ku qaaday magaalada Baariis isaga oo adeegsanayey qalab uu sannad ka hor isagu ikhtiraacay oo markii dambe loo bixiyey Daugerre si loogu ixtiraamo hal-abuurkiisa. Qalabkani waxa uu ahaa kii ugu horreeyey taariikhda ee lagu guulaystay in uu qaado sawirro sannado aad u badan jiri kara.
Qalabka Daguerre marka sawirka lagu qaadayo waxa uu farsamo ahaan u baahnaa 15 illaa 30 daqiiqo, waana sababta keentay in kamaraddan uu sanceeyey Daguerre ay sawirto waxa aan dhaqdhaqaaqa lahayn oo keliya. Sida muuqatana sababta u suurtogelisay in uu labadan nin sawiraa waxa ay ahady nimankan oo muddo taagnaa maadaama oo ay ku mashquulsanaayeen hawshan kabo nadiifinta ah.
Sawirka Daguerre waa kii taariikhda ugu horreeyey ee bani’aadam laga qaado, laakiin ma’aha sawirkii ugu horreeyey taariikhda ee Footogaraaf ah, waayo waxaa hortii jiray sawirro qudhoodu noocan ah oo laakiin aan dad laga qaadin ee waxyaabo kale la sawiray, sawirradaas waxaa ka mid ah kii ay qaadday haweenayda taariikhda sawirrada Fotogaraafka ku suntan ee Nicefort Nebes oo sawir qurux badan ka qaadday buul shimbireed, sannadkii 1826-kii, magaalada San Luoub Du Farniis, waxa aana loo aqoonsan yahay in uu yahay sawirkii Fotogaraaf ah ee taariikhda ugu horreeyey.