Sarrayntii Tiknoolajiyadda Milateriga Ee Reer Galbeedka Oo Soo Ururtay & Xaaladda Milateri Ee Dunida Maanta

0
822

Washington (Geeska)- Maxadka caalamiga ah ee daraasaadka Istaraatijiga ah, ayaa shaaca ka qaaday in sarrayntii ay reer galbeedku dunida kale kaga horreeyeen tiknoolajiyadda milateriga loo adeegsadaa ay soo ururtay, gaar ahaan marka la eego horumarka ay arrintaas ka samaynayaan dalalka Shiinaha iyo Ruushku.

1

Maxadkan oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa warbixin sannadeedkiisa uu ku eego xaaladda milateri iyo awoodaha ciidan ee dunida waxa uu sannadkan ku sheegay in ururro aan dawlado ahayn oo si sahal ah ku hela tiknoolajiyadda macnaheedu uu yahay in isu-dheelli-tirnaanta awoodaha milateri ee dunidu ay si aadkaanayso.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in dalalka Ruushka iyo Shiinuhu ay dadaal adag ugu jiraan sidii ay u casriyeyn lahaayeen ciidamadooda, si isa soo taraysa oo firfircoonna ay uga shaqeeyaan horumarinta iyo faafinta awoodahooda Milateri.

John Chipman oo ah agaasimaha guud ee Maxadka daraasaadka caalamiga ah ee Istaraatijiyadda (IISS) ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya u sheegay wakaaladda wararka ee FP, “Hore waxa aanu u dareensanayn in dawladaha reer galbeedku ay yihiin horyaalka tiknoolajyadda cusub, si aad ahna ay ugaga horreeyaan dawladaha kale ee dunida iyo urrarada aan dawliga ahayn” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Laakiin imika, sarrayntaas tiknoolajiyaddu waa ay soo ururtay”

Chipman waxa uu xaqiijiyey in awoodda Milateri ee qarnigan 21aad aan lagu qiimayn karin diyaaradaha, dabaabadaha iyo Maraakiibta dagaalka, balse ay u gudubtay Tiknoolajiyadda sida amniga xogta (Information security) hubka xogta/Kombiyuutarka ku shaqaynaya (Informatics Weapon) iyo diyaaradaha aanu duuliyuhu wadin.

Khabiirkani waxa uu sheegay in dalka Ruushku uu hadda yahay khatar soo kordhaysa oo reer galbeedka hortaalla, waxa kale oo shaaca ka qaaday in miisaaniyadda difaaca ee Yurub, oo aad hoos loogu dhigay intii ka dambaysay dumintii deyrka Berlin ee sannadkii 1989kii, ay weli aad u hoosayso. Sannadkii horena dalalka Midowga Yurub ee ku jira Gaashaanbuurta NATO oo tiradoodu 25 tahay, Afar keliya ay ku guulaysteen in ay rumeeyaan ujeedkii ahaa in boqolkiiba 2 dakhliga wax-soo-saarka gudaha (GDP) ee dal kasta la geliyo milateriga, waana dalalka Ingiriiska, Booland, Giriigga iyo Estooniya.

Warbixintani waxa ay sheegaysaa in shanta dal ee sannadkii hore dhaqaalaha ugu badan dunida geliyey milaterigoodu ay yihiin, Maraykanka (597.5 Bilyan oo Doolar), Shiinaha (145.8 Bilyan oo Doolar), Sucuudiga, (81.9 Bilyan oo Doolar), Ruushka (65.6 Bilyan oo Doolar) iyo Ingiriiska (56.2 Bilyan oo Doolar).

Dalka Ruushka oo bishii Sabtembar ee sannadkii hore dalka Suuriya ka bilaabay farogelin milateri ayaa ay warbixintani ogaatay in miisaaniyaddiisa difaacu aad u korodhay, halka dalka Maraykankana lacagta kaga baxda difaaca marka loo eego wax-soo-saarka gudaha uu u dhigmo boqolkiiba 3.27 keliya isaga oo sannadkii 2010ka ahaa 4.63.

Waxaa isaguna afar laab kordhay kharashka ku baxa joogitaanka milateri ee Maraykanku Yurub ku joogo, waxa aanu marayaa 3.4 Bilyan oo doolar sannad kasta.

Chipman oo arrintaas sii sababaynayaana waxa uu yidhi, “Khatarta soo xoogaysanaysa ee Ruushku uu ku hayo dalalka Baltic la yidhaahdo (Estooniya, Laatfiya iyo Lithuania) iyo sidoo kale dalalka Yurubta Bari, oo keentay in  dalalkani ay Maraykanka ka dalbadaan in amnigooda loo xaqiiyo, lagana fogeeyo cidhiidhiga iyo daan-daansi ay ka tirsanayaan Ruushka ayaa sabab u tahay kharashka kordhaya ee Maraykanku ku bixinayo joogitaankiisa Milateri ee Yurub.

Marka aynu u nimaadno dalalka Bariga dhexe, cunaqabatayntii laga qaaday dalka Iiraan, kadib heshiiskii Nukliyeerka ee sannadkii hore la gaadhay, waxaa kordhay suurtogalnimada in Iiraan ay casriyeyso saanaddeeda Milateri oo badankeedu ah qaddiimi uu Maxadku sheegay in ay tahay tii la isticmaali jiray sannadihii Toddobaatanaadkii.

Isbedelladaas Iiraan samaynaysaana waxa ay u dhowdahay in ay sababaan casriyeyn ay sidaas oo kale ku kacaan dawladaha gobolka Bariga dhexe, “Dalalka Gacanka Carbeed oo og in Iiraan ay ka cudud weynaan doonto ayaa bilaabaya dadaal ay ku iibsanayaan hub aad u casri ah, sida gantaalaha Liishaanka-san, iyo sawaariikhda Kuruuska ee u suurtogelin kara in ay garaacaan bartilmaameedyo milateri.

Warbixintan uu Geeska Afrika soo akhriyey, waxa uu agaasimaha maxadku ku sheegayaa in heshiiskaas Nukliyeerka ee Iiraan iyo quwadaha dunidu ku gaadheen Vienna uu sababay in Iiraan ugu yaraan muddo 15 sano ah aanay u suurtogeli karin in ay samaysato hubka Nukliyeerka.