Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Mid Noqday Wasiir-xigeenada Puntland

0
723

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xubnaha golaha wasiirada ee uu Madaxweynaha maamulka Puntland ee Somaliya Salaasadii ku dhawaaqay ayaa waxa ku jira dhawr xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacbigooda Somaliland.

Hase yeeshe waxa si gaar ah uga dhex muuqda sarkaal ka tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland kana mid ahaa saraakiishii qaadatay darajooyinka ciidan, kaas oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka amniga Mr. Cabdicasiis Maxamed Aaden oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sool ayaa wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

Cabdicasiis Maxamed Aden, waxa ay walaalo yihiin Mr. Dalbac oo isna ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada qaranka oo isaguna sannadkii 2012 laba baabuur oo tikniko ah kala goostay ciidanka Somaliland, lana galay magaalada Buuhodle oo ay kooxo Somaliland diid ahi ku soo dhaweeyeen. Sarkaalka