Hargeysa(Geeska)-Sarkaal amni oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawlgala ayaa warbixin dacaayad ku ah amniga iyo qaranimada Somaliland, dhawaan siiyay saxafi ka tirsan wargeyska caalamiga ah ee Sydney Morning Herald.
Weriye Ilya Gridneff oo dhawaan Hargeysa u yimid hawl-warbaahineed oo uu ugu kuurgalayay wax qabadka iyo mashaariicda ay hay’adda UNICEF ka fuliso Somaliland, ayaa warbixintii uu qoray wuxuu ku bilaabay talada amni ee uu sarkaalkani siiyay. Warbixintaas oo sida uu saxafiguba sheegay koobnayd waxay Somaliland u dhigaysay goob aanu amnigeedu cago adag ku taagnayn oo mar kasta la filan karo isku dhac dhex mara Beelaha Somaliland iyo weliba afduub, iyadoo la ogyahay inuu afduubku ka mid yahay waxyaabaha dhaqan ahaan aan Somaliland looga baran 21-kii sannadood ee ay madaxbanaanideeda haysatay.
Sarkaalkan amni oo aanu weriyuhu magaciisa sheegin balse sida warbixinta laga dhadhansan karo ka mid ah ragga dhinaca la talinta amniga u qaabilsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ku sugan, ayaa sida uu weriyuhu ka xigtay, wuxuu yidhi ''Halkaad u socotaan waxay ku tilmaaman tahay meelaha ugu khatarta badan, laakiin, ma gaadhsiisna heer aan la aqbali Karin.'' , waxaanu intaas raaciyay ''Somaliland waxa ka jira khatar aan badnayn oo afduub iyo halis weyn oo ah isku dhacyo ka dhex qarxa qabaa’ilka, waxa sidoo kale jira warar sirdoon oo sheegaya in maleeshiyaadka xidhiidhka la leh Al Qaacida ee Al Shabaab ay isku urursanayaan halkan, ama u dhexmarayaan iyagoo ka imanaya Yemen si ay ugu gudbaan Muqdisho.”
Isagoo sarkaalkaas amni ee aan la magacaabini hadalkiisa sii wata, wuxuu yidhi ''Jaarkooda Puntland waa meel aan maamul ka jirin, hoyna u ah budhcad badeedka, oo xilligan u wareegaya dhulka, maadama xeebaha lagu weeraro. Gooni-goosatada Khaatumo ee la dagaalama Somaliland aya doonaya inay ka go’aan gobalkan marka horeba burbursan ee aan cagaha adag ku taagnayn.''
Warbixinaha noocan ah ee ay saraakiisha hay’adaha ajaanibka ahi ka bixinayaan amniga Somaliland waxa ay muujinayaan haddii aanay u badheedhin dacaayadan sida ay ugu suganyihiin xog la’aan dhinaca ammaanka Somaliland ah. Waxaanay keeni karaan inay Somaliland beesha caalamka uga gudbiso sawir xun.
Comments are closed.