Sareeye Gaas Nuux Taani Oo Puntland Ugu Baaqay Inaanay Ku Riyoon Inay Dib Ugu Soo Laabtaan Tuko-Raq

30
2684

Tuka-raq(Geeska)-Taliyaha ciidmada qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, ayaa Puntland u sheegay inaanay ku riyoon inay mar labaad ku soo noqoto Tuko-raq.

Taliye Taani ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay magaalada Tuka-raq oo xadhiga lagaga jaraayay mashaariic horumar oo laga hirgaliyay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Halkan aan hadda joogno madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa dhagax dhigay, waad ogtihiin halkan ciidanka qaranku waxa uu joogaa muddo shan bilood ah oo sideedii bishii koowaad ayuu soo degay, mudadas uu halkaas yimid ciidanku ilaa hadda wadadaas 5-KM ah ee la dhisaayo, MCH iyo dayr dugsiga loo sameeyay  ayaa hirgalay mashaariic kalena waa ay soo socotaa, waxaanu ku faanaynaa hadaanu Somaliland nahay in aanan dhibaato keenin Tuka-raq  ee aanu horumar keenay mudadaas yar ee aanu joognay,laba sano markaanu joognana Tuka-raq ay nooc kale noqon doonto wax badana aanu ka badali doono hadii Alle yidhaahdo, dadku waa dadkayagii oo dhibaato uma keenayno, waanu uga lexejeclo badanahay ku halkayagan jooga(Puntland) ee intaas oo sano joogay ee aan waxba ka qaban, ama ha na jeclaadaan ama yaanay na jeclaan anagu waxaanu u haysanaa inay dadkayagii yihiin, lexejeclo ayaanu dadkayaga ka qabnaa.”

Taliyaha ciidmada qaranka Somaliland Nuux Ismaacil Taani  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Ciidanka halkan idiinku yimi horumar ayuu keenayaa magaalooyinka uu soo maray laga soo bilaabo Wadhako ilaa hada magaalo aan ku balaadhan ma jirto, waayo intaas oo shaqaale ah ayuu mushaharkoodii galayaa magaalooyinku waa ay ku dhismeen intii la soo maray Tuka-raqina way ku dhismi doontaa Alle haduu yidhaahdo, oo horumarka ayay arki doontaa oo dhisme badan ayaa la bilaabi doona, midna yaan lagu riyoon Puntland halkan ku soo noqon mayso dadka marba halkan la qixinaayo ka go’a Puntland inay ku soo noqoto halkan, laakiin anagu horumar ayaanu idin siinaynaa wax dhib ah idiin keeni mayno oo khamri idiin keeni mayno, fusuq idiin keeni mayno, waxaan  jeclahay inaad idinkuna nala garataan kana saartaan meesha inay Puntland timaado waanu soo soconaa ka qaxa oo sii yaaca riyo ayaa la yidhaahdaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here