Salaadiinta Garxajis Oo Hadalkii Taliye Nuux Taani Ku Tilmaamay Dagaal Toos Ah

0
934

Hargeysa(Geeska)-Guddida beesha Garxajis ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu taliyahiisa ciidamada qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani u soo diray si uu dagaal u abuuro, isla markaasna meesha uga saaro nabada gudidaasi ay ka soo qaadeen kornayl Caare oo dhexdhexaadintiisa ay ku jireen.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa sheegay inay qarka u saarantahay inay xabadu faraha ka baxdo.

Suldaan Axmed Cismaan( Cadagude)  oo ahaa guddoomiyaha gudidii nabada ka dhex waday Caare iyo xukuumada oo arintan ka hadlay waxa uu yidhi “ Qaybta nabada waxaad oogaydeen inaanu laba bilood oo wax dhiman aanu socdaal ugu jirnay sidii Somaliland nabad iyo is afgarad loogu soo dabaali lahaa waxaanu kala kulanay hawl badan oo dad doonaya inay umadda wax u hagaagaan ku munaasib ah inay dulqaataan, waanu u dib jirnay oo waanu u dayacnay waxa kasta waanu u soo marnay, ugu danbayntii markaanu halkan nimi waxaanu umadda u sheegnay in aanu ka keenay ninkaas sarkaalka ah ee Janaraal Caare iyo ciidankiisa nabadgalyo buuxda oo Somaliland iyo umadda oo dhan  ku degto, waa muran la’aan. Isaguna markii uu hadlay waxa uu ka markhaati furay nabadii uu nagula soo balamay iyaduba waa nasiib daree waxaanu nidhi madaxweynuu marka uu xajka ka soo noqdo la sugo maalinta uu yimaadana jawaabta uu ka bixinayaa ay noqoto mid madaxweyne nimo oo mudakar ah,waxaanu hore u nidhi waxii arintaas ka xumaadaa waa wax madaxweynaha xagiisa uun ka xumaaday, maantay dhab noqtay.”                                                                                                                                                                            Suldaan Cadagude oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Madaxweynuu intii aanan isaga iman jawaabtii aanu ka sugaynay hawada ayuu jawaabtii noo soo mariyay, oo qaxay noqotay isaga oo madaxweyne ah qof aan maxkamad la keenin inuu yidhaahdo  waa dil oo uu bulshada oo dhan maqashiiyo bal masuuliyad daradaas eega, waa masuuliyad daro, markuu hogaamiyahaagu caynkaas noqdana amarkiisa lama qaato, Afka Nuux Taani Ku hadlay waa afkii uu madaxweynuu ku hadlay madaxweynaheenu marka uu sidaas u hadlo ee waxii loo igmaday uu ka baydho inaguna waa aynu ku diidnay, mana aqbalayno, wax la qaadan karona maaha, adigu maxkamad ma tihid, umadda isku haynteeda iyo isku dhawrkeeda ayaa laguu igmaday, kala irdhaynteeda iyo kala kaxaynteeda markaad la timaado oo cakiska intii laguu igmaday ah waanu ku diidnay, Somaliland waa laguu doortay waxii laguu doortay marka aad ka baydhana lagugu adeeci maayo, ciidanka qaranka waxaad ciidan qaran u tihiin inaad bulshadiina iyo ciidankiina aad ilaalisaan hadii laydin yidhaahdo beelaha Somaliland qaar ka mid ah ayaynu laynaynaa ha qaadanina sidaas ayaa laydin amraye, hadalkii shalay waa laydin amray oo waxa laydin amray dagaal qabiile ha qaadanina, ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso, ciidanka qarankow dagaal Caare iyo Beel Somaliland ah toona midna ha ku qaadina waanu idinla talinaynaaye gacmaa ka laabta waxa laydin amray, diida dagaal in la sameeyo oo dadka la burburiyo diida in dadkiina la laayo.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa hadalkaas soo xidhay“Waxii maanta ka danbeeya talada danbe Garxajis isaga ayaa dib isugu noqon doona oo waxii khuseeya ka tashan doona halka ay maanta xaaladu marayso ee loogu dhawaaqay,hadalkii waxgaradku yidhi waan guddoomiyay waana halka ay maanta taagan tahay, intaasan waxaan raacinayaa Somaliland aniga oo aan kala saarin waxaan ugu baaqayaa xabadii afka ayuun baanay ka bixin halka ay maanta marayso, inbadan waanu baaqaynay buurta gacan libaax ayaanu ka hadalnay  dhul badan oo kale ayaanu ka hadalnay waar nabada dalka ha la daba qaabteeyo meel xun ayuu ku socdaa ayaanu mar walba ku baaqaynay, waar dalka waa la wada leeyahay ee dawlad la wada leeyahay oo dalkan hogaamisa hanoqotaan ka hadlaynay, inbadan ayaad ka dhaga adaygayseene maanta ayay halkii ugu danbaysay taagan tahay, waxaan ugu baaqayaa Somaliland oo salaadiintu kow ka tahay iyo wax garadka si deg deg ah waa in shir qaran laysugu yimaadaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here