Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta bariga Hargeysa ayaa shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku taageereen muddo kordhinta ay golaha guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo golaha wakiilada.
Salaadiinta oo kala ahaa Suldaan Yuusuf Maxamed (Xiirey), Suldaan Saleban Boqor Cismaan, Suldaan Maxamed Suldaan Barre Shire Warsame, Ugaas Xuseen Geele Abokor, Suldaan Maxamuud Cabdillaahi iyo Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi, , ayaa shirkooda jaraa’id waxay shacabka Somaliland ugu baaqeen inay ilaashadaan nabadgelyadooda. “Waxaanu taageero buuxda u muujinaynaa korodhsiimada guurtidu ku dhawaaqday ee ay xaqa u lahaayeen markii ay la tashadeen guddiga doorashada, xisbiyada iyo ururada bulshada. Waa korodhsiimo macquul ah oo ah tii ugu haboonayd waanan taageeraynaa oo waanu soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Suldaan Saleban Boqor Cismaan.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa marka ugu horaysa wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda, waxaanu soo dhaweeyay go’aanka golaha guurtida. Sannad iyo tobanka bilood ee ay golaha guurtidu u kordhiyeen, wuxuu sheegay inaanay ahayn wakhti badan, waxaanu soo jeediyay in mudadaas la sameeyo diyaar garow iyo sidii loo qaban lahaa doorasho. Salaadiintan ayaa waxa ay cadeeyeen inay taageersanyihiin muddo kordhinta iyo Madaxweyne Siilaanyaba.