Cabdirashiid Xasan Mataan Iyo Mawqifkiisa Muddo Kordhinta

0
476

Picture1Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa gef ku tilmaamay in Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradku Guurtida ka ogolaadan muddo kordhin ka badan hal sanno, waxaanu sharci daro ku tilmaaamay muddo kordhinta ay Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda ee halka Sanno iyo Tobanka bilood ah.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale sheegay in Guurtidu meesha ay ka saartay dimuqraadiyadii Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Gef bay ahayd in Axsaabta Mucaaradku markii horeba inay qeyb ka noqdaan naruurada ay Guurtidu ku raadinaysay muddo kordhintan xaaraanta ah ee ay sameeyeen,  ee ka duwan tii markii hore lagu wada heshiiyey ee ku eekayd 1/6/2016, mana haboona in shacbiga lagu jahawareeriyo mawqifyo is bedbedalaya,Guurtiduna sharcigii iyo dastuurkii wey baalmartay, waxayna sameeysay muddo kordhin aan dastuuri ahayn, oo dano gaar ahi ugu jirto, oo aan laga wada raali ahayn, wax laga aqbalayo, ama laga yeelayo maaha,”.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddani markii ay fashilantay, kuna fashilantay hogaankii dalka, masuuliyadii dalka iyo dadka ka saarnaydna gudan kari weyday ayey muddo kordhin xaaraan ah Guurtida ka dalbatay, si musuqa, hanti boobka, cadaalad darada iyo masuuliyad daradu u sii shaqayso, inta badan waxaynu arki jirnay inay Xukuumaddani markii ay Mucaaradka ahayd muddo kordhinta ay aad uga soo horjeeday, haddana wey ku faraxsan tahay, wax loo dulqadaan karo ama laga yeelayo doona maaha,”.