Safiirkii Itoobiya Ee Xukuumadii Hore Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Turkiga

0
579

Picture3Hargeysa(Geeska)-Danjire Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo ahaa safiirkii Addis Ababa u fadhiyay xukuumadii UDUB,  ayaa ka hadlay qaabka uu u dhacay wada hadaladii ku qabsoomay Turkiga ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya, waxaanu soo dhaweeyay natiijada ka soo baxday.

Danjire Maxamed, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Borama ee gobalka Awdal, wuxuu sheegay inay wada hadaladu u muuqdaan kuwo meel wanaagsan maraya oo guul u soo hoyn kara Somaliland, “Waayo.” Ayuu yidhi, “ Waxaan aqoon fiican u leeyahay ragga uga qaybgalay Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada islamarkaasina ay qaab wanaagsan u wajaheen doodooda.”

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray “horta wada hadalku wuu  fiicanyihiin  arrin aan laga wada hadalna xal lagama qaadho sida aan arkayay oo aan TVyada an ka daawanayay ee waftigii sare ee Somaliland ay kaga waramayeen qodobo muhiim ah waxaanay sheegeen in uu sii socon doono wadahadalada   ay tahay  arin fiican markaa war la helo waxa la helaa xal, marka  marka la wada hadlayo jawigu wuu fiican yahay  dareenkuna  hoosbuu u dagaa cadhiyo cuslaysna ma dhexyaalo waa dad isasoo horfadhiistay oo nin walba danihiisa ayuu ka hadlayaa oo nin walbana faa'ido ayuu u yahay. Somaliland si xooga ayay u sharaxday arimaheeda ay ku doonayso in ay gooni ay isku taagto Somaliya waxa ay ka hadlaysa isku soo celintii soomali wayn markaa nin walbana waxa uu ka hadlyay arimihiisa laakiin Somaliland ayaa i cajabisay qaabka ay uga hadlayeen arimahooda wasiirkii matalayay Somaliland aad baan u garanayaa waa nin aad u fiican oo aad u daneeya soomaliland si fiican buu ugu hadlay qadiyada Somaliland nin kasta oo daneeya Somaliland uu ku farxayaa aad baanan u soo dhawaynayaa xubnihii matalayay Somaliland.”

Dhinaca kalana waxa uu safiirku soo dhaweeyay godobadii kasoobaxay wada hadalada gaar ahan qodobka amaanka oo uu ku tilmaamay in labada dal ay u fiicantahay.