Safiirka Marayknka oo laga yaabo inuu is casilo

0
866

 

Hargeysa(Geeska)-Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa qarka u saaran inuu is casilo, ka dib markii uu isbedel dhinaca dayn cafinta Soomaaliya ah kala kulmay dawladiisa. Waxa sidaas shalay baahiyay wargeyska Foreign policy ee caalamiga ah.

Wargeysku, wuxuu sheegay inuu sidoo kale qarka u saaranyahay inuu burburo dedaal caalami ah oo lagu doonayay in daynta lagaga cafiyo Soomaaliya, kaas oo haddii uu guuldaraysto uu wargeysku saadaaliyay inuu wiiqi doono dedaalada dunidu ku doonayso inay Soomaaliya nabadii ku soo dabaasho.

Wuxuu wargeysku sheegay in wasaaradda maaliyadda Maraykanku ay samaysay khalad uu sheegay inay ka dhalatay cadho badan oo sababaysa is casilaadda safiirka Maraykanka ee Muqdisho fadhiya, sida ay u sheegeen wargeyska saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka.

Khaladka ka dhacay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka iyo ta’ arrimaha dibadda, ayuu wargeysku ku sheegay inaanay wasaaradahani ku soo wargelin qorshaha dayn cafinta Soomaaliya xildhibaanada aqalka Koongareeska Maraykanka, si miisaaniyadda Maraykanak ee 2020 loogu darro. Lix sarkaal oo Maraykan ah ayaa wargeyska u sheegay sidan.

Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo uu wargeysku xidhiidh la sameeyay ayaa diiday inay ka  jawaabto arrintan. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda  Maraykanka ayaan ka soo jawaabin taar uu wargeysku u diray.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa waxa ay dawladooda ku dhaliileen sida ay uga gaabinayso in daynta laga cafiyo Soomaaliya, “Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo karash iyo wakhti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar.” Sidaas waxa wargeyska u sheegay masuul ka tirsan dawladda Maraykanka.

Wargeysku wuxuu sheegay in danjire Yamamoto ay arrintani ku qasbayso inuu ka fikiro inuu is casilo, waxase jira ayuu wargeysku tilmaamay dedaalo la doonayo in xal loogu helo arrintan.

Qorshaha dayn cafinta Soomaaliya waxa muddo dabada ka riixayay dawladda Maraykanka, waxaana la diyaariyay Barnaamij la yidhaahdo HIPS (Heavily Indebted Poor Country ), oo nuxurkiisu yahay dal sabool ah oo dayn culus lagu leeyahay, waxaanu Barnaamijkani u baahanyahay in dhammaan dalalka daymaha bixiyaa oo uu Maraykanku ugu horeeyaa ay Soomaaliya ka cafiyaan daynta mar qudha, sida uu wargeysku sheegay, waana sababta uu Maraykanku caqabad ugu noqon karo daynta cafinta Soomaaliya, waxaanu Maraykanku Soomaaliya ku leeyahay lacag kord u dhaafaysa hal bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here