Cabdiwahaab Daahir Khaliif
Waxaan daalacday waraysi uu siiyey Tiifiiga ay dawladu maamusho wakiilka Somaliland ee Djibouti Mr. Cabdifataax. Waraysigaas waxaa iiga baxay shakhasiyada dhabta iyo Aqoonta dhabta ah ee cabdifatax, taasi waxay i tustay in haba yaraatee wax Aqoon ah iyo cilmi ah aanu u lahayn nidaamka diblamaasiyadeed. Waxaan garwaaqsaday in waraysigaasi laf jab ku yahay nimdaamka dawladeed ee uu hogaaminaayo madaxwayne Siilaanyo. Waxaa ceeb ah in lagu tilmaamo Gudoomiyahay Golaha wakiiladda ahna musharaxa xisbiga mucaaridka ee waddani waxaad tagaysaa Soomaaliya, waxaanay eedayntani la mid tahay iyadoo lagu eedeeyo Xamar iyo Soomaaliya madaxweyne Siilaanyo.
Cabdifataax waxaan odhan lahaa waa laga soo gudbay nin jecelaysigii iyo in la is Aflagaadeeyo qabyaaladii way dhaamatay Somaliland maanta way ka gudubtay halkaad marayso.