Safarka Erdogan Uu Ku Imanayo Somalia Ma Ku Dari Doonaa Somaliland Oo Hore Uu Martiqaad Uga Aqbalay?

0
437

Picture4Ankara (Geeska)- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa qorsheeyey in uu booqashadiisa dibadda ee ugu horreysa sannadkan 2015ka ku tago 12 dal oo Afrikaan ah. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee World Bulletin oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweyne Erdogan uu safarkiisa ugu horreeyey ee sannadkan ku tegayo qaaradda Afrika, isaga oo safar afar weji loo kala jebiyey ku tegi doonaa 12 dal oo Qaaradda Afrika ah. Warkan oo uu degelka World Bulletin sheegay in uu ka helay ilo ka ag-dhow aqalka madaxtooyada ee dalka Turkiga ayaa uu ku sheegay in wareegga koowaad ee safarkaas madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu noqon doono bishan aynu ku jirno ee Jeenaweri 2015ka iyada oo meelaha uu tegi doonana ay ka mid yihiin Itoobiya, Tansaaniya iyo Soomaaliya.

Sannadkii 2011ka ayaa uu Erdogan booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo xilligaas ay macaluuli ka dillaacday, isaga oo xilligaas ahaa raysalwasaaraha Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyey si aad ah uga shaqaynayey Soomaaliya oo uu si weyn uga caawiyey kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, sidoo kale waxa uu ku dhiirraday in uu xidhiidh ganacsi la sameeyo, iyada oo shirkadda diyaaradaha dalkaas ay timaaddo Muqdisho isla markaana ay shirkado badan oo kala duwan ka hawlgalaan.

Tan iyo sannadkii 2013ka Turkigu waxa uu qorshe aan caddayn kula soo wareeegay gogoshii wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo uu labada dhinac dhowr jeer isugu keenay dalkiisa, laakiin muddadaasba waxaa soo baxay doodo ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabeen dhex-dhexaadnimada Turkiga, waxaana taas sii xoojinayey masuuliyiin Turki ah oo marar kala duwan sheegay in ay dhowrayaan midnimada Soomaaliya iyo tan ugu xasaasisan oo ah Turkiga oo ku guul-darraystay in caawimooyinka deeqsinimada leh ee uu kaga qayb qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya wax ka soo gaadhsiiyo Somaliland oo ay ka jirto xasilooni iyo ammaan dammaanad qaadi kara badbaadada shaqaalihiisa.

Bishii Tobnaad ee sannadkii 2013ka ayaa wafti culus oo uu horkacayey madaxweyne Siilaanyo ay booqasho ku tageen Turkiga, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo waftiga ka mid ahaa ayaa markii uu waftigu soo noqday isaga oo warbaahinta la hadlaya sheegay in raysalwasaare Rajab Dayib Erdogan uu ballan qaaday in uu Somaliland soo booqdo marka la dhamaystiro dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Hargeysa oo markaas dayactir ka socday. Sidoo kale waxa uu wasiir Biixi sheegay in raysalwasaare ku xigeenkii xilligaas ee Turkiga Bekir Bozdag oo wafti hoggaaminayaa uu dhaqso u iman doono Somaliland, iyo in ay Turkiga ka wada hadleen sidii uu Somaliland uga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta waddada Ceerbigaabo, Waddada Tog-Wajaale, Laydhka, Dekedaha, waxbarashada iyo caafimaadka, “Markaa mashaariic badan ayaanu u qadinnay weyna nala garteen in ay wax nagala qabtaan” ayaa uu wasiir Biixi xilligaas sheegay, laakiin Arrinta kale ee muhiimka ah ee uu wasiirku sheegay ayaa ahayd, “Waxa kale oo aanu ku casuunay ra’ysal wasaaraha iyo xukuumaddiisa inay Somaliland yimaadaan, waxaannu aad u xoojinay inaanu jecel nahay sida wax loo siiyo walaalayadda Soomaaliya in Somaliland-na loo siiyo, maadaama oo aanu nahay laba wadan oo walaalo oo maanta wada-hadallo u socdaan.”

Laakiin illaa hadda oo laga joogo in ka badan sannad arrimahaasi waxba kama ay qabsoomin, marka laga tago xafiis uu Turkigu ka furtay Hargeysa. Mana cadda in madaxweyne Erdogan uu safarkiisan hadda ku soo dari doono Somaliland, in kasta oo inta laga og yahay safarka madaxweynaha aanay Somaliland ku jirin. Arrintaas oo haddii ay sidaa u dhacdo dhalinaysa su’aal la xidhiidha halka uu ku dambeeyey ballan-qaadkii ay hore xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uga haysatay Turkiga ee ahaa booqashada Erdogan, taas oo la hubo in ay Somaliland u yeelan lahayd muhiimad weyn oo diblumaasiyadeed, haddii ay dhici weydana waxa ay madow gelinaysaa aaminaadda dambe ee Turkiga iyo Somaliland mar haddii sida ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay ballan qaadkaasi jiray, dhacdana in aanu fulin.