Hargeysa(Geeska)-Saddexda murashax ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa natiijadii ka soo baxday shirkii KULMIYE ku tilmaamay mid xaaraan ah, waxaanay sheegeen inaanay aqoonsanayn labada murashax ee lagu doortay shirkaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici. Murashixiintan oo hore u qaadacay shirka KULMIYE, ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in la boobay codkii uu helay wasiirka caafimaadka Dr. Saleban Ciise Axmed oo ay sheegeen in markii u horaysay ee la arkay in Saylici laga cod badanyahay la bedelay siyaasadii codka lagu qaadayay oo loo bedelay in kartoomo lagu guro kaadhadhka. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horayn ka hadlay shir saxaafadeed ay wada jir u qabteen murashixiintu, ayaa yidhi “Shirkaas shalay dhacay waxaanu u aragnaa shir xaaraan ah oo boob ahaa, shir dimuqraadiyadii iyo shacbiyadii Somaliland wixii ay u soo dagaalamaysay lagu burburiyay oo uu dhaawac weyn u gaystay umadda Somaliland, waxaanan idiin sheegaynaa in shirkaasi ahaa shir boob ah oo aan cadaalad ahayn, waxaanad arkayseen in Xaglatoosiye oo ahaa murashax madaxweyne-xigeen in wixiisii si cad loo booba. Waxaad arkayseen iyadoo markii u horaysay gacanta loo taagay Muuse Biixi, isaga markii la arkay in tiradiisu ka badantahay tiradii Saylici in xaqiisii la duudsiyay oo kaadhadhkii la boobay.” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis, oo intaas raaciyay in Madaxweyne Siilaanyo oo hore u sheegay inuu murashixiinta dhex u yahay uu si cad u taageeray madaxweyne-xigeen Saylici oo uu ka soo horjeestay wasiirkiisa caafimaadka.
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa waxa kale oo uu xildhibaan Kijaandhe iyo beesha uu ka soo jeedo ka raaligeliyay hadal uu Muuse Biixi sheegay guushiisii ka dib kaas oo uu si gaar ah ugu mahadceliyay labada murashax ee Maxamed Biixi iyo Samaale oo ay isku deegaan ka soo jeedaan oo uu sheegay inuu guryahooda ugu tagi doono, “Waxa kale oo nasiib darro ah in murashixii [Muse] uu yidhi labada aanu ilmaadeeada nahay [Maxamed iyo Samaale] ayaan u taagayaa, saaxiibkay Kijaandhena waan ka raaligelinayaa fadeexada meesha ka dhacay, murashixiin wada siman ayaanu nahay inuu labadayada carrabka ku dhufto waanu ka xunahay, waanan ka raaligelinaynaa xildhibaan Kijaandhe iyo beeshiisaba.” ayuu yidhi Biixi Yoonis. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa isna yidhi “Waxaan idiin sheegayaa raadkii ay Somaliland ka soo dagaalantayay ee kalitaslinimada ayaa maanta dib u soo noolaaday. Maalintii cod bixintu ka socotay wixii shirka lagu tilmaamayay qori caaradii iyo bandoo ayay magaaladu ahayd.” ayuu yidhi Kijaandhe oo intaas raaciyay in dadkii shirka ka qayb galay ahaayeen shaqaale dawladeed. Wuxuu intaas raaciyay “Wax sharciyad iyo xalaalnimada shir waafaqsan may ahayn, intii muddo ahba waxaanu ka soo sheekaynayay in shirku dariiq khalad ah socdo oo aanay dad dhexdhexaad ah oo wax ilaaliyaa oo hubisaa jirin, waxa fadhiyay raggii awalba ololaha u waday labada nin [Muse iyo Saylici.” ayuu yidhi, waxaanu sheegay in la boobay codkii wasiir Saleban “Saleban waa la boobay waanan ka tacsiyaynayaa, markii la arkay in tiradii saylici ka yartahay intuu ku soo bixi lahaa ayaa kartoono lagu guray.”
Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna sheegay inaanay murashax madaxweyne oo KULMIYE u aqoonsanayn Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ka jawaabay hadalka uu Muuse ku sheegay inay Samaale iyo Maxamed Biixi u daayeen murashaxnimadii, “Hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi ee ah way ii daayeen horta saddexdii murshaxba muu sheegin, muxuu kijaandhe uga tagay ayaa la isweydiinayaa.”
Wuxuu Samaale intaas ku daray, “Haddii aad tidhi Maxamed iyo Cabdicasiis way ii daysteen hadalkaasi waa been kuumaanaan daysan, annagu tartan ayaanu doonaynay, tartankii waad diiday, dabaabaad ayaa lagugu gelbiyay, ciidan ayaa ku fadhiisiyay meesha, dee ciidankaasi kursiga dambena ee madaxweynahana hakugu fadhiisiyo, waxaanu arkaynaa inaanad cod u baahnayn.” Ugu dambayn wuxuu sheegay inaanay aqoonsanayn murashaxnimada Muuse Biixi, waxaanu yidhi “Kuumana ictiraasanin murashixii madaxweynaha, waxaanu kuu aragnaa in xoog lagugu fadhiisiyay.”