Saddexdii Marxuum Ee Shilka Baabuur Ku Geeriyooday Oo Si Heer Qaran Ah Loo Aasay

0
715

Picture2Hargeysa(Geeska):-Alle ha u naxariistee waxaa shalay aas qaran xabaalaha Naasa-hablood ee duleedka bari ee magaaladda Hargeysa loogu sameeyay saddex qof oo ku geeriyooday shil gaadhi oo maalin ka hor ka dhacay waddada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Saddexdan marxuum ayaaa kala ahaa Wariye Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ka tirsanaa Telefishanka Horn Cable tv, agaasimihii qorsheynta ee wasaaradda Maaliyadda Wali Daaa’uud Cigaal iyo askarigii ilaaladda u ahaa wasiirka Maaliyadda Muuse Cali Haybe.

Saddexdan marxuum ayaa hawlo shaqo ugu baxay magaaladda Berbera, waxaanay usoo jeedeen magaaaladda Hargeysa iyagoo doonayey inay ka soo gaadhaan Afurka, haseyeeshee waxa uu wadkii ku helay meel u dhow magaaladda, ka dib markii gaadhi Booyad ah ay is jiidheen. Waxaana aaskii loo sameeyey saddexdan Marxuum ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada, wasiiro, xildhibaano, wariyeyaal iyo dad weyne kale oo aad u tira badan.  Dadweynihii goobta iskugu yimid oo ka murugaysnaa geeridda saddexdan marxuum ayaa ilaahay u baryey in Illaahay godka u nuuriyo sida oo kalena uu janaddii fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii a ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi Raajicuun.