Saddexda Xisbi Qaran Oo Maanta Guurtida U Gudbinaya Wakhti Cusub Oo Ay Doonayaan In Loo Kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo Muddo Xileedkiisa

0
446

Picture6Hargeysa(Geeska)-Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, Waddani iyo UCID ayaa maanta golaha guurtida u gudbinaya wakhti cusub oo ay isla qaateen in loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ay doonayaan inay golaha guurtidu ku salayso muddo kordhintooda.

Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa ka socday shir u dhexeeyay saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, waxaana lagu faaqidayay xaaladda taagan iyo sida go’aan midaysan loogu waajihi karo mawduuca muddo kordhinta oo ay isku maandhaafsanyihiin xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, waxaanay aakhirkii isla garteen in golaha guurtida loo gudbiyo wakhti muddo kordhin ah oo ay u sameeyaan Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ay heshiis ku yihiin xisbiyada qaranku.

Wakhtiga ay saddexda xisbi isla qaateen ayaa ah in Madaxweyne Siilaanyo mudada loo kordhiyo ilaa November 15 2016, taas oo shan bilood iyo shan iyo toban maalmood ka badan wakhtigii ay guddiga doorashadu u cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomaan oo ah 1 June 2016.

Labada xisbi mucaarad ayaa la sheegay inay mabda’ ahaan aqbaleen wakhtigan November 15 2016, waxase ay dalbadeen in la helo kalsoonida golaha guurtida, waxaanay xisbiyada qaranku shalay kulan la yeesheen guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna ku wargeliyay inuu soo jeedintooda maanta horgayn doono golaha guurtida.

Waxaana la filayaa inay madaxda saddexda xisbi qaran oo isku duubani ay maanta hortagaan golaha guurtida kana dalbadaan inay muddo kordhintooda ku saleeyaan wakhtigan ay saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee ah November 15 2016, lamase hubo in golaha guurtidu aqbali doono soo jeedinta xisbiyada.