Sababta Uu Maraykanku Dib Ugu Dhigay Dhoolla-tuskii Ciidan Ee Berbera

0
979

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Maraykanka, ayaa si rasmiya u sheegtay in dib loo dhigay Dhoolla-tus Ciidamada Maraykanka, Kuwa Somaliland iyo Dawlado kale ku qaban lahaayeen Magaalada Berberaa.

Safiirka shaqada kasii tagaya ee Maraykanka u joogay Soomaaliya Larry Andre, ayaa sheegay in dhoolla-tuska Berbera lagu qaban lahaa horaantii dib loogu dhigay sababo la xidhiidha dagaalka Laascaanood.

Andre oo waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in dhoolatuska dib loo dhigay kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka isku urursaday magaalada Laascaanood

“Sababtaas ayaan u baajinayay oo aan dib ugu dhignay,” ayuu yidhi Danjire Larry Andre

Dhoolatuskan oo Maraykanku uu hore u sheegay in uu ka qabsoomayo Berbera ayaa waxa uu qayb ka noqon lahaa taxane dhoolatus ciidan ah oo ka dhici lahaa bariga Afrika, isla-markaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti, Soomaaliya iyo ciidamada Somaliland.

Andre oo ka hadlay safar ay saraakiil Maraykan ahi ku tageen magaalada Berbera ka hor intii aan lagu dhawaaqin qabsoomida dhoolatuska, ayaa xusay in ay Berbera ay u tageen si ay u hubiyaan awoodda shaqo ee Dekedda Berbera.

“Waxaan dooneynay in aan qiimeyno awoodaha iyo shaqada dekedda Berbera haddii ay dhacdo in maraakiibta ciidamada Mareykanka ay u baahdaan shidaal ama adeeg kale” ayuu yidhi Andre.

Waa Markii ugu horaysay ee dowlada Maraykanku ka hadasho sababta dib loogu dhigay dhoolatuska ciidan ee Qorshaysnaa inuu ka dhaco Berbera.

 

Geeska.net/Hargeisa Office