Addis Ababa (Geeska)- Dawladda iyo Dadka Itoobiya ayaa 11kii Bishii Sabtembar ee aynu ka soo gudubnay waxa ay u dabbaal degeyeen dhalashada sannadkii cusubaa ee dalkaas oo ku dhaqma nidaam bil-tirsi oo ka duwan kan ay dunida badankeedu isticmaasho ee ku salaysan 12 ka bilood sannadkii.
Sannadka dalka Itoobiya waxa uu ka kooban yahay 3 bilood waxa aanu taariikhda dunida reer galbeedka ka dambeeyaa 8 sano oo buuxa. Bilaha sannadka dalka Itoobiya ayaa ay mid kastaa ku dhammaataa 30 maalmood waxa aanay isku noqonayaan 360 maalmood, taas oo macnaheedu yahay in 5 illaa 6 maalmood ay ka dhiman yihiin tiradii rasmiga ahayd ee lagu yaqaannay sannadka. Sidaa awgeed waxa la sameeyey bil 13 naad oo lagu magacaabo Pagumiene maalmaheedu ay yihiin 5 ama lix maalmood. In kata oo ay dunida ka jiraan kaltiriyo kala duwean oo ay ka mid yihiin Miilaadiga, Hijriyada, Kaltirsiga Shiinaha iwm, haddan, isla markaana uu dalka Masar ka jiro Kaltirsi soo jireen ah oo ay dadka Qibdiyiinta ee Kiristaanka ahi tirsadaan, sida kan Itoobiyana leh 13 bilood. Itoobiya waa dalka keliya ee dunida oo dhan si rasmi ah u tirsada sannad 13 bilood ah.
Marka laga reebo dalka Masar oo isagana ay dadka Kiristaanka aaminsan ee Qibdiyiintu leeyihiin kaltirsi soo jireen ah oo Itoobiyaanka ka shabbaha dhinaca bilaha.
Kaltirsigan uu dalka Itoobiya kaga duwan yahay dunida inteeda kale ayaa ah astaan dhaqan oo uu dalku si aad ah u weyneeyo, munaasabadaha lagu xusayana ay dalxiiseyaal badani dunida uga yimaaddaan.
Arrimaha xiisaha leh ee bishani kaga duwan tahay bilaha kale
In kasta oo kaltirsiga dalka Itoobiya uu maalmaha u qaybiyo 13 bilood, haddana waxaa yaab leh in bisha 13 naad oo ah 5 illaa 6 maalmood aan shaqaalaha loo xisaabin bi loo aanay mushahar helin, isla markaana muddada qofku shaqaynayey marka la tirinayo aan loo tirin.
Bishan dadka Kiristaanka ah ee reer Itoobiya si gaar ah ayaa ay u qaddariyaan, gaar ahaan dadka aaminsan mad-habta Ortodhogoska, waxa aana lagu magacaabaa lixda maalmood ee iska maydhista dembiga. Sidaa awgeed waxaa lagu tilmaamaa maalmo cibaadaysiga gaar u ah.
Waa maxay sababta Itoobiya 8 sano uga dambayso taariikhda miilaadiga
Dad badan ayaa mooda in sababta runta ah ee dalka Itoobiya uu Kaalanderka Miilaadiga ah tirsigiisa 7 sano uga dambyaa in ay tahay sannadihii yaraa ee dalkaas uu Talyaanigu gumaystay oo ay taariikhda kaltirsigooda ka saareen, laakiin xaqiiqada runta ah ee arrintan keentay waxaa talefishanka Aljasiira uga warramay Axmed Sakariya oo ah bare taariikhda ka dhiga jaamacadda Addis Ababa. Waxa aanu sheegay in ‘Kaniisadda Roomaaniyiintu ay sannadkii 500 ee miilaadiga oo ah xitaa dhalashadii Nebi Muxammed (SCW) ka hor, ay mar beddeshay tirsigii kaltirsiga lagu soo socday. Kaniisaddu waxa ay tiradii sannadaha ku dartay 7 taariikhaha qaarna 8 ayaaba ay sheegaan’
In kasta oo ay kaniisaddu kordhintaas Toddobada sano ah ku tilmaamtay sixid ah tiro marka hore si qalad ah uga baxday, haddana laguma wada qancin oo wax ka beddelkaas kaltirsigu waxa uu noqday barbilowga khilaaf dhinaca taariikhda ah. Waxaa soo baxay dad badan oo mad-habihii kale ee Masiixiyiinta ah oo aan ku qancin in tiradaas lagu daray ay sax tahay, waxa aana ka mid ahaa dadka mad-habta Ortodhogoska oo ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya. Axmed Sakariya oo isku xidhaya kala aragti duwanaanshiyahaa ka dhalatay wax ka beddelka taariikhda Miilaadiga ee Kaniisaddii Roomaaniyiinta iyo sannadaha ay Itoobiya ka dambayso taariikhda ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Sababtaas ayaa aanu toddoba illaa siddeed sano uga dambaynaa tirsiga Roomaaniyiinta. Halkaas ayaanu faraqu ka yimid”
Dalal kale maxay u khilaafi waayeen kaltirsigaas ee Itoobiya ku gaar yeelay?
Dib u sixid muddo kadib lagu sameeyey kaltirsiga Dhalashada Ciise (CS) oo isbeddelo dhawr ah ku keenay dunida kale oo dhan, ayaa ay kaniisadda Itoonbiya diidday in ay la jaanqaaddo. Warbixin ay shabakadda wararka ee BBC laanteeda Afcarabigu ka diyaarisay arrintan oo uu Geeska Afrika qaybo ka mid ah soo turjumay ayaa lagu sheegay in sababta Itoobiya ay mar labaad u diidday in ay raacdo dalalkii iyo dadyowgii aqbalay wax-ka-beddelka Kaltirsiga Miilaadiga, ay tahay Kaniisaddii Ortodhogoska ee Itoobiya oo arrintaas ka hortimid iyo dalka oo aad uga fogaa dalalka iyo deegaannada Kiristaanka kale ee isku waafaqay wax-ka-beddelka kaltirsiga, xilligaas oo aana yadduunyadu sida hadda isugu xidhayn, waxaa iyaduna jirtay in Kiristaankii Itoobiya oo ahaa dad aad diintoodaas ugu dheggeni ay ka biyo diideen taariikhda la beddelay.
Baaderiga hoggaamiya Kaniisadda Ortodhogoska ee Itoobiya Abune Mathias oo BBC arrintan uga sheekeeyey ayaa yidhi, “Dadku uma ay xamaasadaysnayn in dib-u-habayn la sameeyo, gaar ahaan arrimaha diinta la xidhiidha, waxa ay ahaayeen dad aad ugu toosan diinta. In hawrar keliya oo diinta ka mid ah la beddelana waxa ay u arkayeen khiyaamo” Baaderigu waxa uu intaas ku sii daray, “Sababtaas ayaa ay gaar u noqdeen, caqiidadooda ayaa ay daacad u sii ahaadeen, waxa aanay ilaashadeen dhaqankoodii gaarka ahaa”