Sababta Keentay In Laba Milyan Iyo Badh Ragga Dunida Ka Mid Ahi Aanay Saaxiib Lahayn Maanta

0
728

Picture6Qaahira (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa daahfurtay in ninku marka uu gaadho dabayaaqada da’da dhexe ay saddex laab hoos u dhacdo fursadaha uu u leeyahay in uu saaxiibbo cusub yeesho.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in wax yaabaha muhiimka u ah nolosha ee qofku uu noloshiisa u baahan yahay ay yihiin saaxiibbo ay si gaar ah isugu dhow yihiin, laakiin nasiib darro ay maanta dunida ku dhaqan yihiin in ka badan Laba iyo Badh Milyan oo ruux, oo aan lahayn saaxiibbo dhab ah oo ay u qabaan kalsooni gaadhsiisan heer ay arrimahooda gaarka ah kala tashan karaan ama caawimo iyo garab istaag ka doonan karaan marka ay xaalado adagi soo waajahaan.

Cilmibaadhistan uu natiijadeeda Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Youwm A-Sabca ee ka soo baxa dalka Masar ayaa lagu sheegay in baadhis dheer oo cilmiya lagu samaysay xidhiidhka bulsho ee qofku yeelan karo mar kasta oo ay da’diisu sii weynaato, waxaana soo baxday natiijadan ah in marka ninka da’diisu ay gaadho Afartanaadka illaa dabayaaqada Lixdamaadka ay saddex laab hoos u dhacdo awooddii iyo diyaarsanaantii maskaxeed ee uu qofku ku samaysan karayey saaxiibbo cusub, sidoo kale waxa ay cilmibaadhistani ogaatay in ragga xaasleyda ahi, ay inta badan gaaban tahay muddada xidhiidhka saaxiibtinimo ay si sax ah u sii wadi karaan, oo uu iska go’o xidhiidh kasta oo saaxiibtinimo marka loo eego ragga aan xaaska lahayn oo saaxiibtinimadoodu noqon karto mid waarta.