Sababta Iyo Taariikhda Dameerka Astaanta U Ah Xisbiga Obama

0
906

Washington (Geeska)- Dagaalkii u dhexeeyey Madaxweynaha guulaystay ee Maraykanka Barak Obama iyo ninkii ka sharraxnaa xisbiga Jamhuuriga ee uu kaga adkaaday doorashada Mitt Romney muu ku ekayn labadooda magac, balse sida caanka ka ah dalka Maraykanka waxa uu ahaa dagaal u dhexeeyey Maroodi iyo Dameer. Astaanta xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanku waa sawirka maroodiga, waxaanay u taagan tahay in xisbiga Jamhuurigu ku taamayo xoog iyo muquuninta maroodiga oo kale. Laakiin qormadeenan waxa aynu isku koobi doonnaa in aynu kaga waranno astaanta Dameerka ah ee xisbiga dimuqraadiga.

Waxaa suurtogal ah in dad badani ay la yaabaan ama ka biyo diidaan astaanta xisbiga Dimuqraadiga ee Dameerka ah, iyaga oo ku eegaya fahamka bulshooyinka caalamku ka qabaan xayawaankan ee ah in uu yahay xayawaan aan lahayn dareen uu wax iskaga dhiciyo iyo maskax la mid ah ta xayawaannada kale, laakiin waxaa hubaal ah marka aad ogaato ujeedada dhabta ah ee astaantan in wax badani iska beddeli karaan aaminsanaantaa hore.

Xisbiga Dimuqraadigu waxa uu astaan ka dhigtay dameerka oo uu ku xushay sabirka iyo dulqaadka iyo weliba sida dhego nuglaanta ah ee uu aadamaha ugu adeego.

Qisada Dameerka xisbiga dimuqraadiga:

Sannadkii 1828kii waxaa xisbiga dimuqraadiga ee dalka Maraykanka madaxweyne ugu sharraxnaa Andrew Jackson, xilliyadaa ka hor siyaasadda Maraykanka waxaa ku awood badnaa xisbiga jamhuuriga, dacaayadaha ay murashaxiinta jamhuurigu markiiba ku fureen murashax Jacson waxaa ka mid ahaa in ay magaciisa qaybta hore Jack ku ladheen magaca luuqadda Ingiriisida dameerka looga yaqaanno ee ass, kadibna uu noqday Jackass oo ah ereyga afka Ingiriisida ah ee macnihiisu yahay dameerka lab.

Jackson kama uu cadhoon magaca cusub ee dacaayada ah balse waxa uu kaga jawaabay si aad u xikmad badan isaga oo weliba ka faa’idaystay dacaayadaas. Inta uu dameer soo kaxaystay ayuu dhabarka kaga soo xardhay ereyo uu hal-ku-dheg ka dhigtay oo ah, “Aynu shacabka u deyno in ay xukumaan” Isaga oo u jeeda aynu cod bixiyeyaasha u deyno ka ay dooranayaan dameerka iyo ninka xisbiga jamhuuriga u sharraxan.

Arrintani dacaayado hor leh oo badan ayey u soo jiidda Andrew Jackson waxaana ka mid ahaa in xisbiga jamhuuriga iyo dadkii caaridsanaa ay ku tilmaameen nin ka tirsan dabaqadda ugu nolosha hoosaysa bulshada  oo aan hoggaamiye noqon karin. Andrew Jackson isaga oo dameerkan wata ayuu maray tuulayaasha, magaalooyinka iyo dhammaan deegaannada uu ol’olaha u tegayey, waxaanu bulshada tusay in uu isagu yahay nin og xaalkooda hoose iyo  danta dadka faqiirka ah, halka uu ninka kale ka yahay mid hal-doorka iyo dadka ladan oo dabcan tiro yar uun ku xidhan. Dad weynaha Maraykan xukunkoodii waa ay rideen oo waxaa ay doorashadii madaxtinimada guusha siiyeen Andrew Jackson. Si kataba ha ahaato ee markaas dameerku waxa uun uu ku koobnaa Andrew Jackson oo uu u ahaa astaan shakhsi ah, waxaanu xisbiga u soo guuray muddo kadib.

Thomas Harper oo caan ku ahaa sawir gacmeedka ayaa sannadkii 1870kii markii uu xilka madaxweynenimo ku guulaystay Andrew Jackson waxa uu majaladda Harper’s Weekly ku sawiray sawir gacmeed caan noqday oo uu ku muujinayey dameer dambaabidho la dhacaya libaax dhintay, in kasta oo uu Nast xaqiraad ula jeeday haddana maalintaa wixii ka dambeeyeyna dameerku waxa uu astaan u noqday murashaxiinta xisbiga  Dimuqraadiga si joogto ah astaan uga dhigay ol’olayaasha doorashooyinka, walow aanu xisbigu illaa imika si rasmi ah uga dhigan astaantiis, waxa ay astaantani si aad ah u soo baxday 12 sano kadib sawir gacmeedkaa Thomas Nast.

Xisbiga dimuqraadigu waxa uu ku faanaa astaantiisa dameerka ah, si uu u muujiyo ku hanweynaanta astaantanna waxa uu qabtaa tartanno farshaxan oo lagu abaal marinayo qofka sawira dameerka dimuqraadiga ah ee ugu fiican iyo hal-ku-dhegyada ugu habboon ee dameerka la raacin karo. Xisbiga dimuqraadigu waxa uu astaantiisa dameerka ku macnaystaa; awood, karti, hal-adayg, kibir la’aan iyo daacadnimo oo intuba ah dabeecadaha lagu tilmaamsado dameerka. Si kastaba ha ahaato ee xisbiga Jamhuurigu weli waxa uu dameerka u adeegsadaa dacaayadaha ka dhanka ah dimuqraadiga, waxa aanu ku doodaa in dameerku astaan u yahay madax adayg, garaad yaraan, iyo aragti koobnaan aanu ujeedadiisa u marin dariiqyo kala duwan.

Dimuqraadiga waa looga horreeyey:

Sida ay taariikhyahannadu sheegayaan xisbiga dimuqraadiga ee dalka Maraykanku ma’aha kii ugu horreeyey dunida ee dameerka astaan siyaasadeed ka dhigta, in ka badan 1250 (Kun iyo laba boqol iyo konton) sano ka hor ayuu Khaliifkii ugu dambeeyey dawladdii Umawiyiinta ee Muslimiintu fahmay muhiimadda dadka badankooda ka qarsoon ee xayawaanka dameerku leeyahay. Khaliifkani dameerka astaan uun kama uu dhigan ee xataa waxa uu ku ladhay magaciisa oo noqday, “Marwaankii dameerka ahaa”

Khaliifkan magaciisa saxda ahi waxa uu ahaa Marwaan Bin Muxamed Bin Marwaan bin Al-Xakam, waxa aanu dawladda Muslimka amiir ka ahaa muddo 6 sano ah, dawladdii Umawiyiintuna waxa ay burburtay markii Khaliifkan magaca dameerka doortay la dilay sannadkii 750kii, markaas oo ay dhalatay dawladdii Cabaasiyiintu.

Marwaan waxa dameerka ku doortay sabirka iyo u adeegidda bulshada, waxa aanu jeclaystay inmagaciisa lagu ladho oo loogu yeedho Marwaan Dameer.

Taariikhyahannada badankoodu waxa ay sheegayaan in Khaliif Marwaan sababta uu magaciisa ugu daray dameer ay ahayd in uu cadowgiisa u sheegayo in uu leeyahay dulqaad uu ugu adkaysto dhibtooda iyo la dagaallankooda illaa uu ka takhalusayo, in kasta oo ay aakhirkii isaga ka takhaluseen.