Hargeysa (Geeska)- Joornaalka East African Studies oo uu soo saaro mac-hadka guunka ah ee British Institute in Eastern Africa oo daraaseeya arrimaha bariga Afrika ayaa cadadkiisii 22kii bishii hore ee Jeenaweri 2013ka ku daabacay maqaal dheer oo ay arrimaha Soomaaliya ku lafa gurayso Laura Hammond oo ka tirsan jaamacadda London ee dalka Ingiriiska.
Laura oo 23kii sano ee ka dambeeyey sannadkii 1990kii daraasaado qoto dheer ka samaynaysay dagaallada, tahriibka, qurbo-joogga iyo guud ahaanba xaaladaha gobolka Geeska Afrika, maqaalkeedan waxa ay cinwaan uga dhigtay. Soo hinqashada Soomaaliya: Waxaa isa soo beddelaya xaaladaha dalkii muddada dheer dunida ugu tirsanaa dalalka guul darraystay. Waxa aanay kaga hadashay is bedellada hadda ka socda Soomaaliya, iyada oo si gaar ah u eegaysa halka uu is-beddelkani ka yimi iyo caqabadaha hor yaalla Soomaaliya iyo dawladdeeda cusub.
Laura Hammond afar caqabadood oo ay sheegtay in ay hor yaallaan dawladda Soomaaliya ayaa ay ku dartay qadiyadda Somaliland. Waxa aanay sheegtay in ka gudbista caqabaddani ku xidhan tahay hadba sida uu Madaxweyne Xasan u galo xal u raadinteeda.
Warbixintan oo ay Laura ku bilowday in rajadii ay dad badani quusta ka joogeen ee Soomaaliya in ay hadda isa soo beddelayso, oo ay hadda yeelatay dawlad cusub oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaal bulshada rayidka ah ka tirsanaa, oo weligood ku noolaa gudaha dalka, sharci-yaqaanno iyo ganacsato, in ay yihiin dad ka duwan kuwii hore talada loogu bartay. Waxa aanay Laura ku tilmaamtay in ay yihiin “Kooxda riyada” oo dib u dhisi kara Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaato ee Laura Hammond waxa ay sheegtay in guusha ay dawladdan cusub ee Soomaaliya hiigsanayso ay ka sokeeyaan afar caqabadood oo ka tallaabistoodu muhiim u tahay ka midho dhalinta guushaa.
Maqaalkan dheer oo uu WargeyskaGeeska Afrikasoo akhriyey ayuu qaybihiisa Somaliland khuseeyey af Soomaali ugu soo turjumay akhristayaashiisa.
Laura oo ka hadlaysa caqabadaha hor yaalla dawladda cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan ay saamayn weyn ku yeelan doonto natiijada laga filan karo wada hadallada labada dhinac, waxa aanay xustay in magacaabistii Fowsiya Xaaji Aadan loo magacaabay xilka muhiimka ah ee raysalwasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ay ka dhalatay jawaab celin xiise badan. “Dad badan ayaa aad u xiisaynaya natiijada laga filan karo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya kaga arrinsanayaan xidhiidhkooda mustaqbalka ee ay hoggaamin doonto Fowsiya oo ka soo jeedda Somaliland” ayaa ay ku tidhi qoraalkeedan. Iyada oo intaas ku sii dartay, “Arrintani waxa ay inagu hagaysaa in aynu si gaar ah u eegno, su’aasha muhiimka ah oo noqonaysa, sida ay dawladda Federalka ah ee Somalia ula macaamisho qadiyadda Somaliland” Kadib waxa ay dib u milicsatay shirkii London ooo ay ka tidhi, “Shirkii London Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ waxa uu kaga qayb galay meeqaama ah in uu ka socdo dal deris ah oo arrimaha Soomaaliya danaynaya. Xubinna kama uu ahayn ergada Soomaaliya ka socota. Kulankaas hoggaamiyeyaashii xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya (TFG) iyo Somaliland waxa ay isla garteen in ay yeeshaan kulamo fool-ka-fool ah. Iyada oo war-murtiyeedkii kulankaa ka soo baxayna uu bulshada caalamka ugu baaqay in ay taageeraan wada-xaajood kasta oo Somaliland iyo TFG ama dawladda kale ee beddeshaa ay kaga arrinsanayaan nooca uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbal” Laura waxa ay xustay in masuuliyiinta dawladda Somaliland iyo Dawladdii waqtigeedu dhammaaday ee TFG ay laba jeer oo ka dambeeyey shirkii ay ku kulmeen Ingiriiska iyo Dubai oo ay labada jeerba isla qaateen in la sii wada xidhiidhka iyo wada hadallada , laakiin aanay heshiis ka gaadhin sida uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbal.
Waxa aanay hoosta ka xariiqday in guushu ay ku xidhan tahay sida ay wasiirka arrimaha dibaddad ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan ula macaamisho arrintan, iyada oo sii waddana waxa ay qoraalkeedan ku tidhi, “Fowsiya hore waxaa loogu arkayey in ay tahay wadaniyad Somaliland ah, illaa hadda oo aan maqaalkaygan qorayana (January 2013) lama hayo meel ay ku beddeshay mawqifkeedaa hore ee Somalilandnimo” Waxa aanu qoraalku intaas ku sii daray in Fowsiya maalintii loo magacabay xilka Soomaaliya, ay tidhi, “Somaliland waa dalkaygii, Soomaaliyana waa dalkaygii, labaduba waa dalkaygii, labadabana ka mid ayaan ahay” arrintaas oo u dhadhamaysa in ay Somaliland iyo Soomaaliya u dhigayso in ay yihiin laba dal oo kala madax bannaan. Sidoo kale Fowsiya weli ma’ay caddayn mawqifkeeda ku waajahan in Soomaaliya ay tahay in ay ogolaato madax bannaanida Somaliland. Tallaabadaas oo haddii ay taageerto ay kaga cadhoon doonaan dad badan oo aaminsan in maamulka woqooyiga ka jiraa uu ka mid yahay dawladda Soomaaliya. Dhinaca kalana haddii wasiir Fowsiya ay hadda qaadato fikirka midnimada, Somaliland waxa ay u arki doontaa in ay tahay khaayinul wadan, waxaana suurtogal ahba in ay taasi horseeddo khalkhal ku yimaadda xidhiidhka nabdoon ee hadda u dhexeeya labada dhinac.
Saddexda Cabaqabadood ee kale ee ay Laura ku sheegtay in ay hor yaallaan dawladda Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah:
2. Maamul fidinta, iyo in uu dawladda gaadhsiiyo dhulka miyigga ah oo hadda ay Alshabaab ka arrimiso.
3. Xallinta muranka u dhexeeya dawladdiisa iyo xoogagga ka arrimiya magaalada Kismaayo oo doonaya in ay dhisaan maamul goboleed, madaxweynahana ku canaananayo in uu qadiyaddooda ku eegayo indho eexi ka muuqato oo ka duwan kuwa uu ku eegayo maamul goboleedka Puntland iyo Dawladda Somaliland.
4. Hab-maamulka maamul-goboleedada: Xaalad xidhiidh la leh Kismaayo balse ka yara duwan ayaa ah in xukuumaddan looga fadhiyo sida ay u gasho maamulka iyo nidaaminta maamul-goboleedada tirada badan, sida Jubland, Ximan iyo Xeeb iyo kuwo kale oo badan. Taas oo dhinaca kalana jaan-goyn u noqon doonta la macaamilka maamulka Kismaayo ee taageerada badan ka haysta dalka Kenya.
Ugu dambayntii Laura Hammond waxa ay sheegtay in mid kasta oo caqabadahan ka mid ahi ay iskeed u tahay arrin muhiim ah oo saamayn ku leh guul ay gaadho dawladda cusub ee Soomaaliya, taas oo haddii aanay xukuumadda Xasan Sh. Maxamuud si habboon u gelin keeni karta in xamaasaddii dawladda cusub loo qabay si xun u dhaawacanto.
Comments are closed.