Saacada ugu badan iyo kuwa ugu yar ee Sannadkan dalalka kala duwan ee dunida laga soomayo (2) : Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

1
762

goos goos5– Kenya: Jamhuuriyadda Kenya oo dhacda bariga Afrika caasimaddeedu waa Nairobi. Sannadkii 1963-kii ayaa ay xornimadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska. Dadka dalkan oo tiradoodu dhan tahay 43 Milyan iyo 13 kun oo ruux oo u badan diinta masiixiga. Muslimiinta dalkan waxa ay dawladdu ku sheegtaa boqolkiiba 11.2, laakiin waxaa dood badan ka qaba dadka muslimka ah oo aaminsan in ay intaas ka badan yihiin. Muslimiinta dalka Kenya waxa ay u badan yihiin Soomaali, sannadkan 2012-ka soonka waxa dalkan looga af xidhnaanayaa 12 saac iyo 20 daqiiqo. Kenya waxa ay noqonaysaa sannadkan dalka saacdaha ugu yar laga af xidhnaanayo maalintii.

6. Mexico: Waa dal ku yaalla Koonfurta Ameerika, waxa uu xad la leeyahay dalka Maraykanka waana dalka Shanaad ee ugu weyn qaaradda Latin Ameerika iyo dalka 13aad ee ugu weyn dunida oo dhan. Dalkan oo ay caasimaddiisu tahay magaalada Mexico city waxa dadkiisa lagu qiyaasaa 112 milyan iyo 336 kun oo ruux, taas oo ka dhigaysa dalka 11aad ee dunida manta ugu dadka badan. Dalka Mexico dadkiisa muslimka ahi aad ayaa ay u yar yihiin, waxaana lagu sheegaa kumanaan keliya. Sannadkan waxa ay muslimiinta ku nool dalkaasi af xidhnaan doonaan 13 saac iyo 20 daqiiqo.

7. Morocco: Morocco waa dal carbeed oo ku yaalla woqooyiga Afrika, nidaamkiisa dawladeed waa boqortooyo, caasimaddiisuna waa Rabat, boqortooyadan oo dalka Faransiiska xornimadeeda ka qaadatay sannadkii 1956-kii waxaa dadkeeda lagu qiyaasaa 32 Milyan iyo 545 kun oo ruux, oo in ka badan boqolkiiba 99 ka mid ahi ay yihiin muslimiin sunni ah. Ramadaanta sannadkan waxaa dalka laga af xidhnaan doonaa, 14 saac oo ah inta u dhaxaysa gabbalka dhicistiisa iyo waaga hore berigiisa. Sannadkan waxa ay dalkan aad isugu dhow yihiin Somaliland.

8. China: Jamhuuriyadda dadka ee China oo dhacda qaaradda Asia waa dalka labaad ee dunida ugu ballaadhan, waana dalka dunida maanta ugu dadka badan. Caasimadda dalku waa Beijing dadkiisana waxaa lagu qiyaasaa 1 Bilyan, 339 milyan iyo 725 kun oo ruux. Dalkan waxaa ka mamnuuc ah guud ahaanba diimaha iyo in dadka lagu arko ama laga dareemo haba yaraato ee astaan diineed. Boqolkiiba 59 dadka China waxdiin ah ma aaminsana. Waa ay adag tahay in dalka China laga helo tirada dhabta ah ee Muslimiinta laakiin waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 20 illaa 30 Milyan oo tirada guud ka noqonaysa boqolkiiba 1.5 illaa 2. Muslimiinta ku soomaysa dalka China waxa ay sannadkan af xidhnaan doonaan 14 saac.

9. Maraykanka: Dalka Maraykanku  waa jamhuuriyad federaal ah oo ka kooban 50 gobol oo uu mid kastaa leeyahay maamul hoosaadkiisa, caasimadda dalku waa Washington DC, waxaana loo aqoonsan yahay in uu maanta yahay dalka ugu dhaqaalaha buuran uguna cudu weyn milateri ahaan dunida oo dhan. Dalka Maraykanka oo ay dadkiisu dhan yihiin 312 milyan iyo 955 kun oo ruux waa dalka saddexaad ee dunida ugu dadka badan. Muslimiinta dalka Maraykanka waxaa lagu qiyaasaa in ay wax yar ka badan yihiin boqolkiiba hal badhkii, taas oo ah 0.6%. Muslimiinta ku soomaysa dalka Maraykanku waxa ay sannadkan af xidhnaan doonaan 15 saac oo ah inta u dhaxaysa waaga berigiisa iyo gabbal dhaca…………… La Soco

Comments are closed.