Ruushka Oo Khubaro Baadhayaal Ah U Diray Wadanka Turkiga

0
479

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyey, kuna sheegay ficil argagixiso weerarkii lagu dilay safiirkii Ruushka ee magaalada Ankara.

1

“Shaki kuma jiro in fal-dambiyeedka la gaystay uu yahay mid looga gol leeyahay in lagu xumeeyo xidhiidhka  Ruushka iyo Turkiga iyo hanaanka nabadda Syria, iyada oo ay gacan ka gaysanayaan Russia, Turkey iyo Iran” ayuu yidhi Putin.

Askari aanan markaasi shaqada ku jirin oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa habeenimadii Isniinta toogasho ku dilay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara ee Turkiga.

Danjire Andrei Karlov ayaa khudbad ka jeedinayey carwo lagu soo bandhigayey sawirro, marki uu toogashada ku billaabay nin si wanaagsan u labisnaa oo marki horena meel geesa ka taagnaa masraxa dad bandanna ay u heysteen inuu ka mid ahaa ilaalada safiirka.

Dawladda Ruushka ayaa baadheyaal u dirtay dalka Turkiga ka dib dilkaas.

Mevlut Mert Aydintas ayaa toogtay Andrei Karlov oo khudbad jeedinayaiyadoo ay u muuqatay in ninkaasi uu diidanaa faragalinta Ruushka ee arrimaha magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ma cadda in wiilkan 22 jirka ah ee ka tirsanaa booliiska rabshadaha ka hortaga in uu wax calaaqaad ah la lahaa urur.

Isagoo aanan wax digniin ah siinin ayuu ninkani xagga ka toogtay safiirka, isaga oo kadibna ku qeyliyey ALLAHU AKBAR, kadibna ku dhaartay inuu u aargudayo wax uu ku tilmaamay dilka ay Ruushka ku leynayaan dadka rayidka ah ee reer Suuriya.

Saddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, ka hor inta ninkani aanu toogan ciidamada booliska.

Duqa magaalada Ankara Melih Gokjek ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyey uu ahaa 22 jir ka tirsanaa ciidanka booliska, magaciisana uu ahaa Mevlut Mert Altintas.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan looga gol'lahaa in lagu dhaawaco calaaqaadka ay Ruushka la leeleeyihiin.

Arrintan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu dhacay mudaaharaad lagu diidanaa taageerada uu Ruushku siiyo madaxwaynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Erdogan ayaa taleefan kula hadlay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, fariin muuqaal ah oo uu soo duubayna Erdogan wuxuu ku sheegay in labadooduba ay ku heshiiyeen in arrintani aanay ahayn "daandaansi".

Wuxuuna intaas ku daray in dadka doonaya in ay xumeeyeen calaaqaadka labada dal "in aanay u suurtagali doonin".