Roobabkii Gu’ga oo curtay Deegano Ka Tirsan Gobolad Galbeedka Somaliland

0
4548

roobWajale(Geeska)-Roobabkii gu’ga ayaa shalay ka curtay deegaanka Wajaale ee gobalka Gabiley, waxaanu shalay gelinkii dambe roob lagu diirsaday ku hooray Wajaale iyo deegaanada ku xeeran.

Roobkaas oo ay dadka deegaanku sheegeen inuu biyo dhigay, waxa la sheegay inuu da’yay qiyaastii saacad wax yar la’a, waxaanu hordhac u yahay roobabka gu’ga oo wakhtigoodii ku soo beegmay. Bariga degmada Dila ee isla gobalka Gabiley ayaa iyadana waxa ku hoorday shalay fiidkii dhibicda roobka gu’ga.

Geesta kale, saadaasha cimilada, ayaa sheegaysa in roob shuux ahi maanta ka da’I doono magaalada Hargeysa, iyadoo ay saadaashu intaas ku dartay inuu Axadda berina haddii Alle idmo roob dhibco wataa ka da’I doono caasimadda Hargeysa.

Roobabkan gu’ga oo ah naxariista Alle ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo ay abaar baahsani ka jirto geyiga Somaliland, waxaana si gaar ah looga dayrinayaa baadkii oo gabaabsi noqday. Laakiin waxa umaddu ay sugaysaa inay raxmadda Eebe wada gaadho.