Hargeysa (Geeska)- “Reer galbeedku waxa ay qarinayaan tallaal ay u hayaan cudurka Ebola, waxa aanay u diidan yihiin dadka Afrikaanka ah” cinwaan sidaas macnihiisu ku dhow yahay ayaa ay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ugu wan-qashay war uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay oo ay ku sheegayso in ay jiraan xogo xaqiijinaya in dalal reer galbeedka ka mid ahi ay hayaan tallaal degdeg ah oo qofka uu cudurkani ku dhaco daweyn kara.
Shabakaddu iyada oo warkeeda sii wadata waxa ay tidhi, “Markii cilmi baadhe u dhashay dalka Jarmalku uu si qalad ah dhowaan isugu muday irbad sidda cudur-sidaha Ebola, oo la og yahay in boqolkiiba 90 dadka uu ku dhacaa aanay ka kicin, tan iyo bishii Saddexaad ee sannadkanna galaaftay nolosha in ka badan 670 ruux oo Afrikaan ah, isaga markiiba waxaa lagu muday irbad tallaal ah oo uu curiyey horumarinna ku wado dalka Canada, waanu bogsaday. Arrintani waxa ay dhacday xilli cudurkani uu si ba’an ugu faafayo dalalka galbeedka Afrika, jawaabta illaa hadda dunidu ka bixisayna ay tahay in uu dal kastaa xaalad feejignaan dheeraad ah geliyo gegooyinkiisa diyaaradaha si looga hortago in cudurkaasi u soo gudbo, ma jirto caawimo iyo gacan laga geystay daweynta dadka uu cudurku ku dhacay, sababta loogu gurman waayeyna waa keliya in aanay dadkaas dhibbani ahayn Maraykan ama reer Yurub.
Qisada muwaadinkaas reer Canada waxa ay caddaynaysaa in ay jiraan dawooyin ay suurtogal tahay in lagu dabiibo cudur-sidaha dilaaga ah ee Ebola, khubaro caafimaad oo arrintan maraggeeda ku qoray wargeyska Hoffman Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa aaminsan in dunidu aanay waxba ka qaban doonin badbaadinta dadka uu cudurkani ku dhacay, maadaama oo aanu cudurku weli u soo gudbin meel ka baxsan Afrika, sababahana waxaa ka mid ah; in dadka Afrika oo ah dad faqiir ahi aanay macmiil fiican oo laga faa’ido ka ahayn shirkadaha caalamiga ah ee dawada dunida u soo saara, sidaa awgeed waxa ay shirkadahani doonayaan in ay tallaalkan u samayso dowladaha reer galbeedka ee lacagta badan ku bixin doona iibkeeda, haddii ay dhacdo in cudurku uu gaadho dadkooda ama meel ka baxsan Afrika oo uu dhaqso ugaga soo gudbi karo. Waxaana dhacdayba, in tusaale ahaan mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dawadu ay dhowaan soo saartay tallaal tijaabadii ka baxay oo waxtarkiisa la hubo, tallaalkaas waxaa laga maal-geliyey miisaaniyadda milateriga Maraykanka, laakiin ujeedada laga lahaa daraasaddii iyo soo saaristii tallaalkani ma’ay ahayn in lagu caawiyo dhibbanayaasha cudurkan ee Afrikaanka ah, balse waxa ay ahayd in ciidamada Maraykanku ay tallaalkan ka dhigtaan gaashaan ay iskaga ilaaliyaan haddiiba ay dhacdo in cudur-sidahan loo adeegsado hub ahaan, oo iyaga lagu soo daayo ama weeraro.
Majaladda Nature ayaa iyaduna xaqiijisay in tallaalkani uu guulaystay markii lagu tijaabiyey daanyeerro, cilmi baadhis arrintan la xidhiidha oo ay majalladdu natiijadeeda baahisay ayaa sheegaysa in 6 daanyeer oo cudurkan Ebola Virus qabay ay muddadii tijaabada oo 30 maalmood ahayd ku bogsadeen, iyada oo dhammaan daanyeerradii kale ee cudurkan qabay ee aan iyaga la tallaalin ay muddadaas gudaheeda ku wada dhinteen. Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Canada ayaa iyaduna weli horumarin ku wadda tallaal kale, oo ah isla kii lagu muday ninkii u dhashay dalka Jarmalka ee sida dhaqsaha ah cudurkan uga kaxaysay.
Afrikaaanku waa Dhibbanaha tijaabooyinka dawada:
Marka aynu dhinac kale ka eegno, waxaa cad in tallaaladan aynu xusnay ay weli ku jiraan marxalad tijaabo ah, iyada oo caadi ahaanna dawada inta aan iibka loo fasaxin la mariyo tijaabooyin sannado qaata oo lagu hubinayo waxtarka dawada iyo raadadka-taban ee ay ku keeni karto qofka ama xayawaanka, laakiin khubaro badan oo caafimaad ayaa iyagu ku doodaya in hadda xaaladdan Afrika ka jirtaa ay tahay mid degdeg ah, cudurka Ebola-na uu yahay cudur dilaa ah oo aanay ka kicin boqolkiiba 90 dadkii uu ku dhacay, sidaa awgeed aan la sii eegan karin, oo ay su’aashu tahay, Maxaa diidaya in lagu mudo tallaal la hubiyeyba in uu daweyn karo cudurkan?! Dadka fikirkan ka soo horjeedaa waxa ay ku doodayaan in ay weli rajo jirto, maadaama oo dadka cudurkani ku dhaco boqolkiiba 10 ka mid ahi aanay dhimanayn, tirada dadka uu illaa hadda cudurku ku dhacayna aanay aad u badnayn, sidaa awgeed aanay xikmadi ku jirin in tallaal weli xaalad tijaabo ah ku jira lagu mudo. Cilmi-baadhe arrimahan ku xeel dheer oo uu soo xigtay wargeyska Hoffman Post ayaa isaga oo diiddan fikiran dambe waxaa hadalladiisa oo uu wargeyskan Geeska Afrika turjumay ka mid ahaa, “Waxa ay noqonaysaa in dadka cudurkani helo oo dhami dhintaan, ka hor inta aanay dhammaan cilmi baadhista la sheegayo in weli lagu wado tallaalku”
Waxaa isaguna jira fikir ah in ay taariikhdu ka marag tahay in ay horeba marar badan u dhacday in shirkadaha waaweyn ee dawada tayada leh dunida u soo saaraa ay suuqa dawada ee Afrika soo geliyaan dawooyin isticmaalkoodu mamnuuc ka yahay dunida horumarta, dawadaas oo aan wax-tar lahayn ama khatar caafimaad leh awgeed, laakiin taasi waa marka ay shirkadahani u arkaan in ay sidaas dani ugu jirto oo keliya, waxaana hubaal ah in Malaayiin dad Afrikaana ahi ay dhibbane u yihiin dawooyin ay shirkadahaasi ku tijaabiyeen oo cudurro xun ku keenay.
Faafitaanka cusurka:
Cudurkan oo ay illaa hadda khubarada caafimaadku fahmi la’ yihiin qaabka uu diyaaradaha, tareennada iyo gaadiidka kale u raaco, waxaa asalkiisa hore la ogaaday muddo hadda laga joogo 40 sano, oo marka uu muddo maqnaadaba mar ka soo laba-kacleeyaa dalalka galbeedka Afrika, bishii Labaad ee sannadkan 2014ka ayaanu mar kale ka dillaacay dalalka Liberia iyo Sierra Leone, laakiin sannadkan si sidii hore oo dhan aad uga xoog badan ayaa uu u faafayaa.
Khubarada cudurkan u dhabba-gala ayaa aaminsan in xaaladdii koowaad ee cudurkan sannadkan laga helaa ay ahayd gabadh tagtay mid ka mid ah suuqyada dalka Guinea, waxa aanay cudurkan u soo dhacday markii ay dib ugu noqotay tuulihii ay deggenayd oo ku yaalla woqooyiga dalka Liberia meel aad ugu dhow magaalada ay tagtay oo ku taalla xuduudka labada dal. Gabadha walaasheed oo markii ay bukootay haysay ayaa uu iyadana cudurku ku dhacay, halka mid ka mid ah carruurteeduna uu u dhintay xummad iyo dhiig-bax gudaha jidhka ah, taas oo ah xaaladhaa uu keeno cudurkani. Gabadhii cudurka ka qaadday walaasheedii ay daryeeshay waxa ay u soo kacday dhinaca magaalada Monrovia oo ah xarunta dalka Liberia, shan qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaadhiga la saarnaa ayaanu cudurkii u sii gudbay, dhammaantoodna markii dambe waa ay wada dhinteen, illaa haddana waxa ay dhimashada cudurkaasi dalka Liberia ka maraysaa 129 ruux sida lagu caddeeyey tiro-koobka hay’adda caafimaadka adduunka, in kasta oo la aaminsan yahay in aanay xaaladahani dhammaantood ku xidhiidhsanayn gabadhii tagtay suuqa dalka Guinea ku yaalla.