Raysalwasaarihii Dalka Pakistan Oo Musuqmaasuq Ku Waayey Xilkii Uu Hayay

0
596

Islamabad (Geeska)- Maxkamadda sare ee racfaanka dalka Pakistan ayaa soo saartay xukun kama dambays ah oo ay xilka kaga xayuubinayso raysalwasaaraha dalaka Pakistan Nawaz Shariif, kadib markii ay ku heshay eedaymo la xidhiidha musuqmaasuq.

Dacwadda raysalwasaare Shariif lagu soo oogay ayaa daba socotay xogtii kal hore fashilantay kadib markii ay soo shaacbaxeen dhukumantiyadii caanka ahaa ee ‘Waraaqaha baanama’ kuwaas oo laga helay in raysalwasaaruhu uu ku lug lahaa musuqmaasuq, lacago sharcidarro ah iyo in aanu run ka sheegin xogta dhabta ah ee la xidhiidha hantida uu dalka dibaddiisa ku leeyahay.

Garsoore Icjaas Afdal Khaan ayaa maxkamadda horteeda ka caddeeyey xukunka isaga oo leh, “Waxa uu waayey (Raysalwasaruhu) xubinnimadiisii baarlamanka, taas oo iyaduna sababaysa in aanu sii ahaan karin raysalwasaare, maadaama oo raysalwasaaruhu uu ka yimaaddo baarlamanka” sida oo kale maxkamaddu waxa ay xukunkeedan ku sheegtay in Nawaas Shariif aanu weligii dib isugu soo sharrixi karin mansabka raysalwasaaraha.

Isla markii uu go’aankani soo baxay ayaa waxaa isla sara kacay sacabka soo dhoweynta ah ee mucaaradka, iyada oo dadka qaarkoodna shaaracyada magaalooyinka isugu soo baxeen si ay dadka jidadka maraya ugu qaybiyaan macmacaan iyo xalwado ay ugu dabbaal degeyaan casilaadda raysalwasaaraha.

Mar dambe oo uu hadlay raysalwasaare Nawaas Shariif ayaa uu sheegay in uu iska casilayo xilka raysalwasaaraha, taas oo macnaheedu yahay in uu u hoggaansamay xukunkii maxkamadda oo iyadu marka hore ku dhawaaqday in isla markii uu Nawaas Shariif waayey kursigiisii xildhibaannimo, uu si toos ah u bannaanaaday kursiga raysalwasaaruhu, isla markaana ay maxkamaddu madaxweynaha dalka fartay in uu saacado gudahood ku soo magacaabo qofkii xukuumadda hoggaamin lahaa.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Aljazeera ayaa intaas ku daraya in xukunka ku dhacay raysalwasaaruhu uu shacabka reer Pakistan ku soo celiyey kalsoonidii ay ku qabeen garsoorka dalkooda, maadaama oo ay caddaatay in garsoorku uu xukun ku ridi karo masuulkii ugu sarreeyey dalka, arrintaas oo marka hore dad badani aanay rumaysan karayn.

Xukunkan raysalwasaare Shariif xilka ka tuuray, waxa uu dhinaca kalana madow geliyey mustaqbalka siyaasiga ah ee xisbiga ‘Xidhiidhka Islaamiga ah’ oo ah xisbiga uu rayslawasaaruhu aasaasay isla markaana hoggaaminayey.

Xukunkan ku dhacay Nawaas Shariif iyo xubno qoyskiisa ka tirsani waxa uu guul u yahay mucaaradka dalkaas oo muddo u heellanaa in ay xukunka dhaafiyaan raysalwasaaraha iyo xisbigiisa oo dabcan taageero badan ku lahaa dalka.

Waxaa la sheegaa in Nawaas Shariif magaciisu weligiiba la xidhiidhsanaa dunida maaliyadda iyo ganacsiga ee dalka Pakistan, maadaama oo uu aabihii ahaan jiray ganacsade weyn oo ka shaqaysta warshadaynta birta. Ganacsiyo badan oo kale ayaa uu yeeshay raysalwasaare Shariif, in kasta oo uu isagu ku doodayey in hantidiisa faraha badani ka soo jeeddo dhaxalkii aabihii oo la og yahay in uu maal badan haystay, haddana waxa ay weligeedba mucaaradkiisu ku doodayeen in uu xilkiisa uga faa’idaystay kobcinta iyo ballaadhinta ganacsigiisa gaarka ah.

Nawaas Shariif saddex jeer ayaa uu qabtay xilka raysalwasaaraha dalka Pakistan, sida oo kale xilal siyaasi ah oo sare ayaa uu dalka ka qabtay, laakiin magacaas iyo maalkaasi maanta kama ay hor istaagin in uu xabsiga galo isaga oo ku eedaysan afduub iyo musuqmaasuq.

Sannadkii 1999-kiina waxaa xabsiga dhigay madaxweynihii hore ee dalkaas Pervez Musharraf oo qudhiisu isla sannadkaas xukunka dalka afgembi ku qabsaday, muddo markii uu xidhnaa ayaa lagu sii daayey heshiis Sucuudigu dhexdhexaadiyey oo keenay in uu Shariif magangeliyo ku joogo boqortooyada Sucuudiga, muddo sannado ah oo uu dalkaas ku noolaa ayaanu siyaasadda ka maqnaa.

Raysalwasaare Shariif muddooyinkii kala duwanaa ee uu dalkiisa hoggaamiyey waxaa loo tiriyaa in uu guulo badan gaadhsiiyey, waxa aana ugu weyn oo taariikhda u galay in xukuumaddiisu ay ahayd tii ku guulaysatay in ay samayso hubka nukliyeerka ah ee dalka, tallaabadaas oo dalka guul weyn u noqotay maadaama oo waqti yar ka hor uu dalka Hindiya ee ay cadaawadda adagi dhex taallaa tijaabiyey hubkan, waxa aanu Shariif ku kasbaday kalgacalka dadka reer Pakistan.

Waxa kale oo uu Shariif dalkiisa ka hirgeliyey mashaariic waaweyn oo dhinaca dhismaha imkaaniyaadka dhaqaalaha ah, waxaa ka mid ah dhismaha shabakad jidadka dheereeya ah, xidhiidho dhaqaale oo uu la yeeshay dalka Shiinaha horumar badanna u soo xareeyey Pakistan iyo horumar dhinaca gaadiidka taareennada dhulka hoostiisa mara ah.