Raysalwasaare Abiye Oo Maalin Ka Dib Go’aankii Madaxweyne Biixi U Soo Diray Hargeysa Wefti Culus

0
903

Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa magaalada Hargeysa u soo diray wefti culus oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide.

Wasiir Shide, oo uu weheliyo wasiirul dawle ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa shalay soo gaadhay Hargeysa, maalin uun ka dib markii uu Madaxweyne Biixi laalay qorshe uu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku doonayo in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Hargeysa yimaado.

Weftigan ayaa shalay kulan albaabadu u xidhanyihiin oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweyne Biixi, madaxweyne xigeen Saylici iyo masuuliyiin kale. Ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulankaas, lamana garanayo in weftigan dawladda Itoobiya weli daba socdaan qorshahaas uu Madaxweyne Biixi ku gacan saydhay Raysalwasaare Abiye iyo inay u socdaan qorshe kale.

Dad badan ayaa qorshaha Raysalwasaare Abiye u arka cadaadis diblomaasiyadeed oo uu doonayo inuu Somaliland ku saaro in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ka soo dego caasimadda Hargeysa.

Bulshada Somaliland oo maalmahan dambe la socday qorshaha Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa si dhow isha ugu haya kulankan iyo socdaalka weftiga dawladda Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here