Raysal-Wasaare Saacid Oo Qiray Khilaafka Ka Dhexeeya Madaxwaynaha Soomaaliya

2
572

Picture9Muqdisho (Geeska) – Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, ee gaadhay in Madaxwaynuhu ka dalbado inuu iscasilo.

Raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo shalay soo saaray War-saxaafadeed, ayaa waxa uu ku faahfaahiyey khilaafka ka dhexeeya Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sheegay in khilaafkoodu yahay mid dastuuri ah oo ay xalin karaan oo kaliya Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa qoraalkiisa ku amray hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya inay hawlahooda si caadi ah u wataan, isaga oo sidoo kalena shacabka ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay awood u leeyihiin furdaaminta arrintan.

War-saxaafadeedka Raysal-wasaaraha Soomaaliya kaga hadlay khilaafka soo kala dhex galay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa sidan:- “Waxaa xusid mudan in bishan November 2013, ay tahay sanad-guuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaadhay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm. Inkastoo waxqabadka iyo horumarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, annigoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed inuu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya anniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka. Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

 Ugu dambeyn, maadaama ay horyaallaan waddanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka”.

Comments are closed.