Hargaysa( Geeska )-Rashiid Sulub Caalin oo ah mutadawac hindisay barnaamijka qiimee qofkaaga fiican, ayaa ka warbaxiyay xiliga la soo gunaanadaayo u codaynta dadka qiimaha ka mudan bulshada, sida oo kale waxa uu ka warbaxiyay tirada dadka soo codeeyay, waxaanu xukuumada ka codsaday inay taageero u muujiyaan barnaamijkan lagu soo saaryo dadka mudan in ay bulshadu qiimayso.
Rashiid Sulub waxa barnaamikan ku tilmaamay inuu yahay barnaamijkii ugu qiimaha badnaa ee horumarinta bulshda laga qabto tan iyo intii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaysigii Ingiriiska, waxaanu arimahan kaga waramay warasyi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geesk Afrika, waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan.
Barnaamijkan qiime qofkaaga in muddo ah ayaa imika aad baahinayseen, waxaanu noqday arrin suuqa soo galay, maxaa kugu kalifay inaad bilawdo?
Barnaamijkan waxa igu kalifay hawlo badan oo samafal ah oo aan wadan-keenan ka qabto ayaa jiray, oo aan hore uga shaqayn jiray, aniga Rashiid ahaana hawlahaas ayuu ii xiisaabsan yahay mid kamid ah, hasa ahaatee waxa gaar ahaan igu kalifay markii aan darsay dhibaatooyinka dalkeen ka jira ee dhanka masxada iyo dhaqankaah, ee horumarka inaga horjoogsanaaya inay tahay isqiimayn la’aan iyo kala danbayn la’aan, markaas barnaamijkana arintaas ayuu wax ka qabanayaa.
Ilaa hada halkee uu marayaa barnaamijkan, se dad intee leeg ayaa ka soo qaybqaatay iyaga oo u codaynaaya dadka ay u arkaan inay qiimo mudan yahiin?
Waxa ugu muhiimsan barnaamijkan inay dadku codkooda soo dhiibtaan, waana tiirka koowaad inay dadku codkooda soo dhiibtaan,waayo barnaamijkan dadkaa iska leh, markaas wakhtigan aan kula hadlaayo waxa soo dhiibtay codkoodii 2000 oo qof, oo sheegtay dadkan danta guud ay ku qiimaynayaan, ee ay uga-danbeeyaan ee ay ku ixtiraamayaan, ee ay aaminsan yahiin inay dalkan wax u qabteen oo in la’abaal mariyo oo la yidhaahdo waad mahadsantahay ay mudan yahiin.
Dad badan ayaa is waydiinaaya u jeedada aad ka leedahay barnaamijkan, bal su’aashaas uga jawaab?
Arinkii kasta ee qof keeno waxbaa layska waydiinayaa, ilaa Aadan iyo Xaawana way soo jirtay,laakiinse hawlaha aan anigu ka shaqeeyo ee samafalka ee aanan darajo ku doonaynin mid alle mooyaane, ee aanan u jeedo kalana kalahayn ayuu kana la mid yahay, markaas u jeedo gaar ah oo aan ka leeyahay waa habeenkii xalay ahaa ee tagay.
Rashiid markaynu u soo noqono shaqsiyadaada, adigu maxaad ka soo shaqayn jirtay hadda ka hor, bal sharaxaad naga sii shaqooyinkaagii hore?
Shaqadayda caadiga ah xafiis hay’adeed ayaan gudoomiye ka ahay oo la yidhaahdo Doses Of Hope, gaar ahaan qaybta Kaaba la yidhaahdo, asalkaygii horena waxaan ka shaqayn jiray bangigii ganacsiga ee dawladii hore ee Somaliya, markaas waxaan ka soo shaqaynaayay nolashaydaba bila’aadmi iyolacag, halkaasaanan waayo aragnimo xoog leh ka qaatay, markaas waxaaan maanta ka shaqeeyaa oo ay naftaydu xiisaynaysaa shaqooyinka samafalka kuwooda dadban ee dadweynahu ka moogan, waxanan ku tuntuunsanayaa oo aan xooga saarayaa inaan dadka ku baraarujiyo, waxaanan gashanayaa xoogayga iyo xoolahayga, si illaahay maalinta qiyaamaha aan ula hortago.
Maxaad halkan farriin dadweynaha aad uga gudbin lahayd, si ay barnaamijkan uga soo qayb qaataan?
Waxaan ka codsanayaa dad weynaha inay barnaamijkan ka qaybgalaan doorashadiisa markay fahmaan oo ay u soo codeeyaan dadka abaalka inagu leh ee qadarinta agteena ka mudan, inaan u mahadnaqno oo aynu nidhaahno waad mahadsantahiin, oo inta noolna aynu sidaas ku nidhaahno inta dhimatayna aan u ducayno oo ubadkooda waxii aynu u qaban karno aynu u qabano.
Waxa kale oo aan ka codsanayaa labaatan qof oo nolashooda dhisay oo intay nolshooda darajo ka gaadheen dantii guud u faytay taasna wax weyn ka qabtay, ayaan doonaynaa sideetankaas hore iyo labaatankan danbe boqolkaba In loo codeeyo, barnaamijkana dadkaa isk leh, iyagaana soo codaynaaya, waxaana garsoorayaal ka noqnaaya toban qof oo dadweynaha kamid ah kadib markay arinkan isku soo sharaxaan, anaguna garsoore soo qaban mayno cid kalana u dhiiban mayno ee dadkaa garsooyaaashan soo dooranaaya, haddii aanu garsooruhu danbi dalka ka galin aqoon garsoorna uu leeyahay, sidaas ayuu barnaamijkan ku noqonayaan mid dadweynahu ay leeyahiin oo qalbiga iyo dareenka dadka ka yimi.
Ugu danbayntii goormaad rabtaan inaad barnaamijkan aad soo gunaanadaan, ma jirtaase cid aad halkan codsi u marinayso si ay barnaamijka idiinkala qab qaataan?
Waxaan dawlada ka codsanayaa inay arintan igu barbar istaagto oo ay daristo, oo ay xaqiiqadeeda ogaato, oo ay gacan fiican ka gaysato, , dawlad la’aanteedna wax badan danta guud lagama qaban karo.
Barnaamijkan waxaan markii hore ugu talo galnay inuu sanad socdo, codbixintuna waxay dhamaanaysaa 15-ka bisha 12-aad, sanadka cusub bisha koowaad koowdeeda ayaan doonaynaa inuu madaxweynahu dadkan la sharfaayo nagala soo qaybgalo.
Intaas kadib barnaamijku waxa uu galayaa wajigiisa saddexaad, boqolkaas qof intii taariikhdooda la qoraayo, intii agoontooda wax la siinaayo ee boqolkaas qof ku kooban, runtiina qofka sida taarikhdiisa loo qorayaa ma yara, dugsiyadeenana waxa lagu dhigtaa taariikh aan inagu munaasab ahayn, waxaanan doonaynaa inaan dadkaas qiimayn iyo qadarin aynu siino,dugsiyadeenana lagu dhigo, maadaama oo ay danta guud wax ka qabteen.