Ramaax Oo Ka Hadlay Abaaro Ka Jira Gobalka Awdal

0
687

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in Abaar baahsan iyo biyo la’aani ay ka jirto inta badan Gobolka Awdal, waxa aanu xusay  in ilaa hadda wax dhimasho ah aanay sabibin Abaartani, balse labadii Sanno ee ugu dambeeyey Abaari inay ka jirtay Gobolkan.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Dhalinyaro habeenkii falal amaan daro ka sameeyn jiray Magaalada Boorama, waxaanu sheegay inay xidheen dhalinyaro badan oo ku kici jiray falalkaas inay xidheen, “Gobolka abaar baa ka taagan, Abaartaas mooye dhibaato kale oo Gobolka ka jirta ma jirto, Abaartana waa Abaar laba jirsatay, runtiina Gobolka Abaar aad u xun ayaa ka taagan, markaas ILLAAHAY ayaanu baryeynaa oo aan ka baryeynaa inuu Raxmaad kheyr qaba uu na siiyo, cid la baryana ILLAAHAY ayaa ugu fiican, Hay’addihii ay khusaynaysana waanu ka wada hadlay, waana la xidhiidhnay, Hargeysa wixii Galbeed ka soo xigaana Roobku aad ayuu ugu yar yahay, haba sii kala badnaadane”.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa mar uu ka hadlay Abaartan iyo dhibaatada ay keentay ayaa yidhi “Ilaa hadda cid ku dhimatay Abaartan ma jirto, dadkuna reer guura ayey u badan yihiin, inta badan dadku inta ay is racaan ayey tagaan hadba meesha uu Roobku ka da’o, oo wixii markaas is raaci kara ee socon kara ayaa is raaca, balse dad iyo duunyaba, in dalagii u soo bixi lahaa uu runtii aad iyo aad u liito, halka ILLAAHAY ayaana loo cabaada, ee waxa aanu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu Abaartan Raxmad noogu bedelo”.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa mar aanu waxa ka weydiinay halka ay ku dambaysay Dhalinyarada habeenkii rabashadaha ka sameeya Magaalada Boorama iyo waxa ay ka qabteen ayaa ku jawaabay “Hawshaasi si wacan ayey noogu socotaa, Ciidamada Amniga iyo dhammaan Hay’addaha ay khuseeyso iyo sidoo kale Wasaaradda Cadaalada meel aad u fiican ayey noo maraysa, in kasta oo Dhalinyaro badan la qabtay, haddana wali dhibaatadu wey taagan tahay, waxa kale oo jira in dhawr iyo labaatan ka yimid Barriga Somaliland oo tahriibayaal ah la qabtay, dibna waa loo celiyey”.