Ragga Oo Lagula Taliyey Guurka Gabadh Ka Da’ Yar 5 Sano Iyo Saamaynta Furniinka Hore Ku Leeyahay Guurka Dambe

0
1566

4London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa ragga guur meerka ah kula dardaarantay in aanay sidii hore u dhici jirtay isku mashquulin quruxda duleed iyo muuqaalka ee ay dumarka ka eegaan fariidnimada, xirfadda iyo tan uguba sii muhiimsan oo ah in ay calafka ka raadiyaan dumarka ka yar ugu yaraan Shan sano, arrintaas oo ay daraasaddu sheegtay in ay u horseedayso fursado waaritaan iyo guul uu qoysku ku negaado.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, laakiin marka hore lagu faafiyey majaladda Elsevier ee Yurub u qaabilsan cilmibaadhista ee ‘European Journal of Operational Research’ ayaa lagu sheegay in baadhis madax bannaan oo muddo shan sano ah lagu sameynayey kun xaaladood oo guur, iyada oo la eegayo qaabka lammaanuhu u wada macaamilaan, nooca xidhiidh ee ka dhexeeya iyo xasiloonida qoyska, in lagu lagu ogaaday in shuruudaha ugu fiican ay tahay in gabadhu ay ninka ka da’ yaraato ugu yaraan Shan Sano iyo in ay fiican tahay in labada qof midkoodna aanu hore u soo marin furniin, waxaa kale oo iyaduna muhiim ah in gabadhu ay noqoto mutacallimad waxbarashadeedu heer fiican joogto.

Dr. Emmanuel Fragniere oo ah saynisyahan ka tirsan jaamacadda Bath ee dalka Ingiriiska kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in lammaanaha oo midkood guur hore soo maray ay inta badan khatar ku tahay waaritaanka guurka dambe, in kasta oo ay hoosta ka xariiqeen in haddii labadooduba ay furniin hore soo mareen ay inta badan ka duwan tahay marka uu mid keliyi soo maray, oo tan dambe ay marar badan keento in waayo-aragnimadaas hore ay uga faa’idaystaan in guurkoodu waaro.

Ugu dambayntii cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in ay muhiim u tahay waaridda qoyska, haddii uu ninku gabadha ku doorto jacayl, qurux, qiyam, aragti, dookh iyo caadooyinka ay wadaagaan, laakiin ay ka sii fiicnaanayso haddii intaas uu ku si idaro in uu ka eego dhinaca da’da in ay ka yaraato iyo weliba heerka aqooneed ee gabadha, arrimahan oo sii yaraynaya fursadda furniinka.