Qorshe-xumada Soo Noqoshada Madaxweynaha Iyo Is Hortaagga Cukuse Ee Su’aalaha Oo Joogto Noqoday

0
1969

 

Faallo: Weriye Cali Jaamac Maxamed

 

Muddo sannad iyo badh ku dhow oo talada dalka ay haysay xukuumadda la doortay ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo ifbaxayey fadeexado maamul oo la xidhiidha haykalka iyo nidaamka dawladnimo ee aasaaska u ah maamulka dawlad kasta oo dal ka talisa.

Qorshe cayiman, go’aan xilkasnimo, hannaan baratakool, kala dambayn masuulnimo, hab-dhaqan wanaagsan iyo qodobo kale oo badani waxay astaan ama tilmaan u yihiin nimaaka haykal dawladnimo oo si fiican u shaqaynaya, balse haddii la waayo qaar ka mid ah waxaan shaki ku jirin in maamulkaasi kala dhiman yahay.

Inkasta oo xukuumadda xisbiga KULMIYE muddadaasi ay talada haysay lagu majiirtay horumar kooban oo ay ka samaysay dhinacyo arrimaha bulshada ka mid ah. Hase ahaatee, waxa dadka siyaasadda falanqeeyaa isku raaceen inuu hoos dhac ku yimi hannaankii dawladnimo ee ay la wareegtay.

Arrimaha sida gaarka ah loo taaban karo waxa ka mid ah qorshe-xumo maamul oo dhawr jeer ku soo noqnoqday hawlo maalinle ah iyo hab-dhaqanno ay ka mid yihiin is-muujin, awood maroorsi, is-dhexyaac, guulwadayn, isku-dhigga sawirrada kamaradaha warbaahinta iyo qaar kale waxay noqdeen waxyaabaha in badan oo masuuliyiinta xukuumadda talada haysa ka mid ahi ku sifaysan yihiin, kuwaas oo weliba ku tartama si mid waliba u helo sumacad ama sharaf uu cid gaar ah ka raadinayo.

Soo dhaweynta madaxda qaranka u sarreysa, baratakoolka loo maamulo iyo ilaalinta wakhtigu waxay bartil-maameed u yihiin oo laga dheehdaa maamul dhisan oo si fiican u shaqaynaya, balse arrimo kuwaa ku lid ah ayaa lagu xantaa dawladda dalka maamusha, kuwaas oo qaarkood ka soo baxeen safarrada Madaxweynaha Somaliland dalka dibada ugaga baxo, gaar ahaan labadii u dambeeyey oo ay hadheeyeen arrimo isku mid ah oo ay ka mid yihiin dib-u-dhac aan cudur-daar loo sheegin oo ku yimi wakhtigii uu iman lahaa iyo saxaafadda oo loo diido su’aalaha Madaxweynaha waydiin lahaayeen.

Waxay ahayd 18-kii bishii August ee sannadkan 2011-ka markii Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Itoobiya la garanwaayey wakhtiga rasmiga ahaa ee diyaarad khaas ah oo ay la socdeen ka soo degayso madaarka diyaaraha Hargeysa, taas oo keentay in masuuliyiinta ugu sarsaraysa dawladda iyo dadkii soo dhaweynayey garoon ku sugnaadaan muddo ka badan afar saacadood. Masuuliyiinta Madaxtooyadu waxay maalintaasi sheegeen in diyaaradda Madaxweynuhu la socdaa imanayso abbaaro 9 ilaa 10-ka subaxnimo ee saacadda Geeska Afrika, waxase diyaaraddu soo degtay abbaaro 1:30 duhurnimo.

Markii Madaxweynuhu yimi waxa uu hadal kooban oo safarkiisa la xidhiidha qolka nasashada ku siiyey warbaahinta kala duwan, balse wax su’aallo ah lama waydiin oo waxa horistaagay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ku wargeliyey suxufiyiinta in laba maalmood kadib maalintaasi Madaxweynuhu shir jaraa’id qaban doono oo uu kaga jawaabi doono su’aalaha la waydiiyo.

Nasiib-darro, shirkii jaraa’id ee loo ballansanaa muu qaban Md. Siilaanyo, waxase saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wax laga waydiiyey mashaariic horumarineed oo wakhtigaasi ay la soo saxeexdeen dawladaha Shiinaha iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay bil fasax ah oo uu ku tagay dalka Ingiriiska, ayaa soo dhaweyntiisii waxay qaadatay in maalin gelinkeed lagu sugo madaarka diyaaraha ee caasimadda Hargeysa, kadib dib-u-dhac ku yimi wakhtigii lagu waday in diyaaradda siday timaado.

Madaxtooyadu waxay dadkii soo dhaweynta ka qaybgalayey iyo warbaahintaba ku wargeliyeen in Madaxweynaha iyo weftiga weheliyaa garoonka ka soo degi doonaan abbaaro 8:00 ilaa 8:30-kii subaxnimo ee shalay, waxaanay taasi keentay in masuuliyiin fara badan oo dawladda ka tirsan, dadweyne loo diyaariyey soo dhaweynta iyo suxufiyiintuba iska xaadiriyaan xarunta madaarka wakhti hore. Haseyeeshee, qorshahaasi muu noqon sidii lagu waday ee muddo ku dhow afar saacadood ayaa la isdaba wareegaysanayey gudaha iyo barxadaha garoonka diyaaraha ee Igal Airport, iyadoo saraakiisha iyo wasiirrada madasha ku sugnaa si habaqle ah isku waydiinayeen wakhtiga diyaaradda Madaxweynaha sidaa soo fadhiisanayso.

Aakhirkii wax la sugaba waxa diyaaradda Madaxweynaha iyo weftigiisu la socdeen dhabbada diyaaradaha soo cago-dhigatay abbaaro 11:20 subaxnimo, wakhti ku dhawaad maalin gelingeed loo taagnaa, waxaanna halkaasi ku dayacmay shaqo badan oo dalka loo qaban lahaa, maadaama inta badan masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adahaa dawladda oo dhami xafiisyadooda u faaruqiyeen soo dhaweynta Madaxweynaha oo gelinkii hore oo dhan halkaasi ku sugnaayeen.

Inkasta oo diyaaradda weftiga Madaxweynuhu shalay Jabuuti ka soo raaceen aanay ahayn mid iyaga gaar u ahayd, haddana dib-u-dhacyadan joogtada noqday ee wakhtiga soo guryo-noqshada Madaxweynaha marka uu safar ka soo laabto waxay muujinaysaa inuu jiro qorshe-xumo ka imanaysa dhinaca Madaxtooyada, saraakiisha Madaxweynaha wehelisa iyo Wasaaradda Duulista Hawada oo tahliwaayey inay isla ogaadaan wakhtiga rasmiga ah ee diyaaradda Madaxweynuhu la socdaa madaarka imanayso, isla markaana ay kala socdaan.

Waxa kale oo si la mid ah safarkii Shiinaha suxufiyiinta laga horjoogsaday inay su’aalo ku filan madaxweynaha waydiiyaan, waxaanna mar kale si cad isu hortaagay Afhayeenka Madaxtooyada Cukuse oo intii aannu Madaxweynuhu bilaabin xog-warran kooban oo la xidhiidha safarkiisa ku wargeliyey suxufiyiinta ka kala socday guud ahaan hay’adaha warbaahinta ee maxalliga ah iyo ta dibadaba in loo oggolyahay saddex su’aalood oo keliya, wax ka badana aanay waydiin karin, waxaanna dhacday in markii Madaxweynaha la su’aalay saddex su’aalood oo qudha uu joojiyo shirkii jaraa’id isagoo ku dhawaaqaya “Khalaas sidaasay ku dhantahay…waay dhammaatay…”

Arrintan ayaa muujinaysa in Afhayeenka Madaxtooyadu si qaawan ugu tacadiyayo xorriyatul-qawlka iyo xaqa suxufiyiintu u leeyihiin inay Madaxweynaha waydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay hayaan nooc kasta oo ay yihiin, maadaama ay wakiil ka yihiin shacabka soo doortay ee aan iyagu tabashooda la gaadhi karin. Waxa kale oo ay ceeb ku tahay Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii uu mucaaradka ahaa arrimaha noocan ku dhaliili jiray Madaxweynihii talada uga horreeyey ee Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca kalena, tan iyo markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku fadhiistay kursiga dalka looga taliyo weli muu qaban shir jaraa’id oo suxufiyiinta loo oggolaaday inay su’aalo ka waydiiyaan.