Qaahira (Geeska)- Dr. Ashraf Ladiif Tadaaris oo ku-xeel dheer cilmiga xiddigiska iyo godadka meerayaashu guuraan ayaa saadaaliyey in maanta oo Axad ah uu dhici doono qorrax madoobaad laga dareemo meelo badan oo dunida ka mid ah. Dr. Ashraf oo madax ka ah waaxda cilmi-falagga ee mac-hadka qaranka ee daraasaadka cilmiga baadhista dabeecadda dhulka iyo cilmi falagga ee dalka Masar ayaa toddobaadkii hore saadaaliyey in qorrax madoobaadkan oo qaabka uu u soconayo uu mucjiso ku tilmaamay uu ku bilaabmi doono qorraxda oo qayb ahaan madoobaata, kadibna uu isu beddeli doono giraan ku meersan qorraxda kadibna uu mar kale isu beddeli doono qorraxda oo gebi ahaanba madoobaata, waxa aanu meelaha qaar ka jiri doonaa waqti ku dhow saddex saac iyo badh.
Dr. Ashraf waxa uu sheegay in qorrax madoobaadkan oo dabooli doona in ka badan boqolkiiba 50 xaddiga qorraxda, laga arki doono inta badan ee dalalka Carabta, qaybo ka mid ah labada qaaradood ee Ameerika, koonfurta Yurub iyo inta badan ee dalalka Afrika, isaga oo si gaar ah u tilmaamay deegaannada xeebta badweynta Atlantic-ga, koonfurta dalka Ivory coast, dalka Ghana iyo Soomaaliya oo uu sheegay in si fiican looga arki doono saddexda marxaladood ee aynu sheegnay in uu qorrax madoobaadku yeelan doono ama ugu yaraan laba ka mid ah.
Dr. Ashraf waxa uu qorrax madoobaadka ku tilmaamay dhacdo Rabbaani ah oo la arko marka khad siman ku kulmaan qorraxda, dhulka iyo dayaxu, iyada oo uu dayaxu badhtamaha ku beegan yahay, sidaa awgeedna uu daboolayo iftiink qorraxda ee dhulka soo gaadhi lahaa, madowga aynu arkaynaana waa hadhkii dayaxa oo ka gudbaya qorraxda. Dhinaca kalana waxa uu sheegay in qorrax madoobaadku waqtiga keliya ee uu dhacaa ay tahay dhammaadka bilaha Islaamiga ah, iyada oo uu sannadkannna ku soo beegmay curashada bisha Muxarram (Koowaad) ee bilowga sannadka cusub ee hijriyada 1435ka oo culimada cilmi falaggu saadaalinayaan in uu bilowdo maalinta berri ee Isniinta.
Marka laga yimaaddo sababta aynu ka soo warannay ee qorrax madoobaadka, waxa uu nebigeennii Muxammed (SCW) inoo sheegay aanu ku iman dhimashada iyo dhalashada aadame, balse uu yahay Calaamad weyn oo uu Alle ku cabsi geliyo addoomihiisa si ay xaggiisa ugu noqdaan. Iyada oo addoomahana laga rabo in si ay uga jawaabaan cabsi gelintaa, Ilaahayna uga baryaan in aanay ku dhicin masiibo dabiici ah oo ay tahay in ay dhinaca masaajidda u yaacaan oo ay tukadaan salaadda qorrax ama dayax madoobaadka.
Comments are closed.