“Madaxweynuhu Wuxuu U Diray [Luul Mataan] 10 Xildhibaan”

1
4026

Picture1Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa ka hadlay xadhiga Maamulihii xarunta Darbi-jiifka xaafadda Maxamed Mooge, Marwo Luul Xasan Mataan, waxaanu sheegay in loo haysto sheegashada hanti dawladeed iyo amar diido.

Wasiirka oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in arrintan Maamulaha xarunta Maxamed Mooge ay muddo soo jiitamaysay isla-markaana  markii cid kale ku qanci kari wayday Maamulka xaruntaasi hoos keento Wasaaradda qoyska uu dhawaan Madaxwayne Siilaanyo u diray 10 xildhibaan, si ay uga keenaan laba arrimood oo kala ah inay Wasaaradda hoos tagto iyo inay furayaasha xarunta Darbi jiifka ku soo wareejiso.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha qoyska Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ugu horeyn ka hadlaya shir uu dhawaan kaga soo qayb-galay Magaalada Nairobi, isla-markaana lagaga wada hadlayey Tahriibka iyo shaqo la’aanta ayaa yidhi “Waxaan ka qayb-galay shir ay soo qaban-qaabisay hay’adda IOM, waxaana ka soo qayb-galay dawladdo ka mid ah ururka IGAD , sida SUUDAAN, Koonfurta Suudaan, Kenya, Itoobiya, Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, arrinta lagaga hadlayeyna waxay ahayd  TAHRIIBTA iyo qoxootiga. Sidaad la socotaan waxa jira dad badan oo Afrikaan ah oo dalal badan u Tahriiba, innaguna Somaliland ahaan ka mid-baynu nahay , arrintaasina saamayn weyn ayay ku yeelatay adduunka haddii ay noqoto xagga nabadgalyada, haddii ay noqoto xagga caafimaadka, waa arrin loo baahan in wax laga qabto, waxyaabaha ugu muhiimsana waxay ahayd shaqada iyo sababta ay u baxayaan (dadku)”

Wasiirku wuxuu sheegay inaanu shirkaasi kaga qayb-galin Wasiir ahaan, balse uu kaga qayb-galay Guddoomiyaha guddida Tahriibka ahaan “Anniguna waxaanu kaga qayb-galnay guddi ahaan ee Wasiir ahaan kagama qayb-galin, taasoo la danaynayey guddidii Madaxwaynuhu Magacaabay, caalamka ayayna taabatay oo ay soo jiidatay, waxaana loo arkayey inay Somaliland u hogaansan tahay inay Tahriibka wax ka qabato iyo inay dadkeeda wacgaliso, waanuna ka hadalnay (Shirka), waxaana jiray waxyaabo tixgalintooda lahaa, waxaana laga hadlayey sidii dadka Marka la soo celiyo shaqo loogu sameyn lahaa iyo in loo sameeyo xeryo caafimaad qaba oo lagu dhaweeyo, laakiin muhiimadu waxay ahayd dalkooda waxay uga baxeen shaqo la’aane in shaqooyin loo abuuro , taasina waxay u baahan tahay in adduunku iska kaashado oo loo helo dhaqaale dadka lagu jiheeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shirkani wuxuu ahaa shirkii saddexaad, annaguna ka dawlad ahaan waxaanu codsanay in shirka afraad lagu qabto Hargeysa oo aanu marti galino, laakiin jawaabtii lama soo celin, waanuna sugaynaa”

Wasiir Garaad, waxa kale oo uu sheegay dawladaha ka qayb-galay ay matalayeen Agaasimayaal isla-markaana aanu wasiir joogin, sidaa daraadeedna uu isagu Guddoomiyaha guddida Tahriibka kaga qayb-galay “Shirkaasi inaanu tagnaa waajib ayuu ahaa, dawladaha joogay ee Jabuuti iyo Yemen oo kale Agaasimayaal ayaa u joogay, Wasiirrana ma joogin, sidaa si leeg anniguna kagama qayb-galin Wasiir ahaan ee waxaan kaga qayb-galay Guddoomiyaha guddida Tahriibka ee Somaliland, wasiir ahaana meesha kumaan fadhiisan”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland, Maxamuud Axmed Barre (Garaad), waxa kale oo uu ka hadlay Muranka ka taagan maamulka iyo mulkiyadda Xarunta Darbi-jiifka ee Maxamed Mooge oo dhawaan Maamulii gacanta ku hayey la xidhay, waxaanu yidhi “Maalintii ugu horeysay ee xilka la igu wareejiyey waxaan ku horeeyay xarunta Maxamed Mooge, Ilhaan Maxamed Jaamac (Wasiirkii hore ee shaqada) way I geysay 150 carruur ah oo darbi-jiif ah ayaa ku jiray, Wasaaraddu waxay siisaa Maaliyad oo bajadka ayay ugu jirtaa, laba boqol iyo 80 Milyan iyo 500 kun oo SL Shilin ah ayaanu siinaa, Macnaha saddexdii bilood 70 Milayn ayaanu siinaa, kun doolar waxay ka qaadataa dawladda hoose”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Anniga oo Ingiriiska ku maqan ayuu Hanti-dhowrku baadhay (Luul Xasan Mataan) wuxuu ogaaday khaladaad jiray, markii aan imid ayaan Hanti-dhowrka ka furdaamiyey, laakiin wuxuu noo soo jeediyay Hanti-dhowrku in inanta (Luul Xasan Mataan) la shaqaaleysiiyo ama qof shaqaale ah meesha la geeyo, laakiin inantii waxaan ku kari waayay Agaasime aan kaa dhigo, Derajada A aan kugu qaato, meeshiina maamul, la ima yidhaahdo ayay tidhi (Way diiday), july 2012-kii ilaa maanta cid aanan u dirin ma jirto” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in arrinteeda uu gaadhay Madaxwaynaha dalka “Madaxwaynuhu 10 xildhibaan ayuu u diray, laba arrimood iiga keena ayuu yidhi, inay Wasaaraddii ogoshahay oo la maamulo ama ay muftaaxa ii keento”

Wasiir Garaad, wuxuu ku dooday in Marwo Luul Xasan Mataan sheeganayso mulkiyada Xarunta Darbi-jiifka isla-markaana ay magac kale ula baxday “Gabadhii meeshaa dhan ee dawladda iyo shirkaduhu dhiseen ayay sheeganaysaa oo waxay isku dhigaysaa inay meesha leedahay, markaa intaas oo dhana waxaanu kula jirnay sulux” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo kale “Luul Xasan Mataan, waxa loo haysta sheegasho hanti dawladeed iyo amar diido”

Comments are closed.