Qodobbo Laga Soo Saaray Shir-dhaqameed Lagu Soo Gebogabeeyay Burco

0
711

Burco (Geeska) – Waxa Maanta Magaalada Burco lagu soo gebogabeeyay Shir-dhaqameed Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay halkaa uga socday Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco.

Shirkan oo labada Beelood kaga Wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dhammaystirka nabadda gobolka Sanaag, Horumarinta deegaamada ay labada Beelood wada degaan iyo Xaaladda guud ee Dalka, ayaa waxa gebogabadiisii laga soo saaray Qodobbo ka kooban 9.

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkaasi isla-markaana lagu soo ururriyey Qodobbada ka soo baxay oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan:-

  1. Maaddaama aynu nahay dad muslim ah diinteena suubanina inoo jidaysay wax kasta oo wanaag iyo maslaxadi ku jirto aakhiro iyo aduunba, ayna tahay xalka dhibaato kasta oo haysata bulshadeena lagaga bixi karro, isla-markaana distoorkeenuna uu ku salaysan yahay waa in Xukuumaddu hirgelisaa ku dhaqanka sharaceeda islaamka.
  2. Waxa heshiis iyo is afgarad buuxa laga gaadhay wixii tabashooyin jiray beelaha dhexdooda, waxaanay ku dhammaysteen walaalnimo iyo Isfahan.
  3. In la dhammaystiro wixii ka hadhsan nabadda Gobolka Sanaag, arrintaasna waxa loo xil saaray guddi ka kooban 21 xubnood oo isugu jira, Salaadiin, Cuqaal iyo waxgarad,
    guddidaas oo aanay ku jirin ardaayadii wax kale gaadheen.
  4. Waxay labada beelood ay isla qaateen in si wada jir ah wax looga qabto horumarinta deegaanada ay wada degaan, sida, tacliinta,caafimaadka, waddooyinka iyo dhammaan-ba addeegyada aasaasiga ah, arrintan waxa loo magacaabay guddi guud oo ka kooban 25 xubnood.
  5. Guddiyada horumarinta ee heer gobol waxa ka mid noqonaya beelaha kale ee deegaanka ah.
  6. Si loo xaqiijiyo loona taabageliyo go’aamadan Taariikhiga ah ee ka soo baxay shirkan waxa loo xil saaray guddiyada labada beelood ah iyo hoggaanka dhaqanka.

Waxa kale oo ay labada beelood war-murtiyeed ka soo saareen xaaladda guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran.

  1. Waa in la wada ilaaliyo Qaranimada iyo midnimada Somaliland.
  2. Goleyaasha Qaranku waa in aanay ansixin xeer kasta oo ka hor imanaya shareecada islaamka .
  3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Golaha Guurtida inuu ansixiyo Guddidii Culimada ee distuuriga ahayd.
  4. Shirku wuxuu si buuxda u taageerayaa go’aankii ay wada qateen Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka ee ahaa in sanadkan gudihiisa 2020 la qabto doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaanka.
  5. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda inay fuliso heshiiskii ay la gashay Khaatumo
  6. Waxa kale oo uu shirku ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay si caddaalad iyo sinaan ah u qaybiso xilalka Dowliga ah iyo Mashaariicda horumarineed.
  7. Si loo waajaho isbadellada ka socda Geeska iyo arrimaha masiiriga ah, waxaanu shirku ku talinayaa in Xukuumaddu wadda tashi mug leh ay kale yeelato, Golayaasha Qaranka, Axsaabta iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo la ilaalinayo dastuurka qaranka lana dhawrayo madaxbannaanida iyo midnimadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

8.Xanuunka caalamka ka dilaacay ee (Coronavirus ), shirku wuxuu ku talinayaa in illaahay la talo saarto, ducada la badiyo taxadar Caafimaadna laga qaato.

  1. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan-ba derisyadda nabad ku wadda noolaansho..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here