Qodista Ceel Biyaha Laga Soo Saarayo Oo Laga Bilaabay Baligubadle Iyo Madaxweynaha Oo La Xasuusiyay 4 Dhagax Oo Uu Dhigay 7 Sanno Ka Hor

0
770

Baligubadle (Geeska)-Magaalada Baligubadle ayaa jimcihii lagu qabtay munaasibad lagu bineeyay ceel riig biyood ah oo qodistiisa laga bilaabay badhtamaha banka Baligubadle.

Munaasibadda ayaa si rasmi ah loogu wanqalay riiggaas oo ay qodayso hay’adda khayriga ah ee Al Khayr iyadoo ay qayb muhiim ka qaateen ururka gurmad iyo weliba ururka Afgarad ee horumarinta deegaanadaas, waxaana xafladda wacdi diini ah ku furay Sheekh Mubaarak Muuse.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo ugu horayn munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadceliya hay’adda Al Khayr, waxaanu sheegay in baahida koowaad ee deegaanka Baligubadle taalaa tahay biyo la’aan “Barnaamijka aynu u baahanahay waa biyo, dadkeenu horumar ayuu u baahanyahay dadkeenu biyo ayuu u baahanyahay, dadkeenu nolol ayuu u baahanyahay. Nolosha aynu u baahanahay horaanteedii waa tan.” ayuu yidhi Suldaan Cumar, waxaanu dadka deegaanka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adda Al Khayr inta ay hawsha ku gudo jirto.

Guddoomiyaha guddiga Afgarad Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay bilowga qoditaanka riiggan, waxaanu yidhi  “Waad ogaydeen oo in badan ayuu Riigu halkan (Degmada) yaalay isagoon shaqaynayn in uu maanta ceelkii uu inoo bilaabana waa ilaahay mahadii guushaana waxaa iska wada leh bulshada deegaanka” ayuu yidhi, waxaanu Madaxweyne siilaanyo xasuusiyay dhawr balan qaad oo uu hore u sameeyay iyo dhagax dhigyo riig biyood ah oo uu sameeyay balse laga joogo 7 sannadood, waxaanu yidhi “Afar jeer ayuu madaxweynunuhu meesha [Baligubadle] yimid, afarta jeerba dhagax ayuu dhigay, afarta jeerba wuxuu yidhi waxaan keenayaa riig biyo loo qodo, waxa laga joogaa 7 sannadood, weli waan sugaynaaa.”

Sidoo kale Afhayeenka Afgarad Maxamed Cali madoobe oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Muddo dheer ayaan hawshan daba soconay waxaana fikirkeeda lahaa nin katirsanaa gudida Afgarad oo imika Kanada jooga oo layidhaa Cabdinaasir Raan oo ka shaqayn jiray Hay’adda Alkhayr dabadeedna waxaa loo xilsaaray afar nin oon kujiro inay arinkaa daba galaan gudoomiyana aan u ahaa anigu muddo dheer bayna qaadatay ugu dambayntiina waxaa la noo ogolaaday in heshiiskii riiga la noo saxeexo, dabadeedna ururka Gurmad ayaanu lacagtii abaarihii hore inooga soo hadhay oo laba iyo toban kun oo doolar ahayd waydiisanay inaynu halkan ku darsano iyana way naga aqbaleen intii intaas ka dambaysayna waxay ahayd arin nin waliba meel ka soo raacayay tareenka ayay ahayd” ayuu yidhi Maxamed Cali Madoobe.

Sheekh Cabdi Khaaliq oo ah gudoomiyaha ururka Gurmad oo gacanwayn ka gaystay imaatinka in riigani yimaada degmada Baligubadle ayaa ka hadlay Munaasibada  “Halkan waxaa inoo yaala  mahadnaq iyo duco aynu ducaysano  in ilaahay inoo sahlo sidii biyahaasi aynu ugula soo bixi lahay, mahad naqa ilaahay marka laga tago waxaa mahad leh Hay’adda Alkhayr Foundation, waana hay’adda ku dhiiratay inay usoo baxdo Hawdkan oo inbadan laga maagay, cabasho badana muujiyay in badan daka deegankani, mahada labaadna waxaa iska leh Ururka Gurmad waliba gurmada dibada oo ah raga lahaa lacagta aynu kaga qayb qaadanay bulsho ahaan Riiga hadaan lahayn lagcagtaa maalintaa lagaga qayb qaatayna waxba inooma qabsoomayn ayaan filayaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Gurmad.

Cabdiraxmaan Ibraahim Ismaaciil oo ah gudoomiyaha Hay’adda Alkhayr ee Somaliland ayaa ka warbixiyay ceelasha ay Hay’adda Alkhayr ka qoday dalka “Hay’adda Alkhayr waxay wadanka timid November 2011 mudadaa ay joogtay hay’addu dalka Somaliland-na waxay hir gelisay Afar ceel biyood oo ah ceelasha looyaqaan Riigaga afartaa ceelna way shaqeeyaan, ceelkan maanta aynu xafladiisa ufadhinaana waa ceelkii shanaad ee ay Hay’adda Alkhayr fuliso” ayuu yidhi.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay  inay Hay’adda Alkhayr noqotay Hay’addii ugu horaysay ee ceelbiyood ka fulisa gobolka Hawd isagoo intaasi raaciyay in uu ceelkani noqon doono ceelkii ugu horeeyay ee laga qodo Gobolka Hawd, waxaanu sheegay inay taasina sharaf utahay Hay’adda Alkhayr.

Wasiirada qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo, diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, guddoomiye-xigeenka hay’adda shaqaalaha Cabdikariim Maxamed; badhasaabka gobalka Maroodi-jeex Cabdillaahi Gaaxnuug (Buraale), wasiirka biyaha, Cabdi Haybe Maxamed iyo maayarka Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo weliba guddoomiyaha degmada Gumburaha Haybe Shaarubaale oo iyaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qoditaanka riiggan, waxaanay sheegeen in biyaha marka la helo ay wax weyn ka tari doonaan baahida biyood ee deegaanka gobalka Hawd, waxaanay u mahadceliyeen hay’adda Al Khayr.